Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hay’adaha dowladda faray in mudnaanta koowaad ay siiyaan gurmadka abaaraha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta booqday Xarunta gurmadka degdeg ah ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka,

halkaasi oo uu ugu kuur galay hawlaha gurmadka degdega ah ayaa faray dhammaan hay’adaha dowladda in ay mudnaanta koowaad siiyaan gurmadka abaaraha.

Madaxweynaha ayaa warbixin faahfaahsan oo ku saabsan xaaladda abaarta dalka ka dhageystay howl-wadeenada Hay’adda, kuwaasi oo soo bandhigay deegaanada ugu daran ee abaartu saamaysay, barakaca, nabaad guurka deeegaanka iyo qasaaraha nafeed ee ka dhashay, iyaga oo tilmaamay in abaartu gaartay heer halis ah oo laga cabsi qabo in ay isku beddesho macluul.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay dhammaan mas’uuliyiinta, ganacsatada Soomaaliyeed, hay’adaha samafalka iyo saaxiibada caalamiga ah in loo midoobo gurmadka shacabka Soomaaliyeed ee wajahaya duruufaha nololeed ee ay sababtay abaarta dalka ku dhufatay, si looga hortago saamaynta Beni-aadannimo ee ka dhalankarta.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faray hay’adaha Maaliyadda dalka in canshuuraha laga dhaafo, deeqaha iyo dhammaan adeegyada loogu talagalay gurmadka abaaraha ee dalka soo galaya, si loo dedejiyo gaarsiinta gargaarka bani’aadannimo shacabka tabaalaysan.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles