Wednesday, January 7, 2026

Soomaaliya ayaa kulan degdeg ah isugu yeertay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Africa (AU PSC)

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta kulan degdeg ah oo khadka internetka ah la yeeshay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Africa (AU PSC) kaas oo looga hadlay arrimaha saameynaya midnimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Kulankan oo ay guddoomineysay wasiirka arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, Thérèse Wagner, ayey Soomaaliya ku dalbatay qodobka 7(o) oo dhigaya in ay ka fiirsadaan xaalada marka dal xubin ka ah madaxbannaanidiisa ay khatar gasho.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa sheegay in Soomaaliya ay diidan tahay wax ay ku tilmaantay tallaabo hal dhinac ah oo Israel ku dooneyso in ay ku aqoonsato gobolka waqooyiga Soomaaliya.

Wasiirka ayaa ku celiyay markale in Soomaaliya ay tahay hal dal oo aan lakala qeybin karin iyadoo Somaliland ay ka mid tahay Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya

Wasiirka waxa uu ka digay in tallaabooyinka xaqiraya madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya ay khatar ku yihiin nabadda iyo xasiloonida geeska Afrika iyo Badda Cas. Wuxuuna ka dalbaday xubnaha Midowga Afrika in ay xaqiijiyaan midnimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ciidamadii ugu badnaa oo maanta Tababar loogu soo xiray Muqidsho

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo Taliyaha...

Wasiirka arrimaha dibada Shiinaha oo ku soo wajahan Muqidsho

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Shiinaha, Wang Yi, ayaa...

Banaanbax looga soo horjeedo Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

Banaanbaxan ayaa waxa ka qayb gelaya qaybaha kala duwan...

Jaamacadda Carabta oo cambaareysay booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil ee Hargeysa

Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Mudane Axmed Abul-Qeyd, ayaa...

Booliska Soomaaliya oo war ka soo saartay shaqaaqadii ka dhacday Deyniile

War ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles