Thursday, May 7, 2026

Soomaaliya iyo Burkina Faso oo xoojinaya dagaalka ka dhanka ah Argagixisada

Dowladaha Somalia iyo Burkina Faso ayaa isku raacay in ay xoojiyaan iskaashiga dhinaca amniga iyo la dagaallanka argagixisada, kadib kulan muhiim ah oo ka dhacay magaalada Ouagadougou.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la kulmay Madaxweynaha Burkina Faso, Ibrahim Traoré, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dowladood, gaar ahaan dhinacyada amniga, tababarrada ciidamada iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada.

Wasiir Fartaag ayaa Madaxweynaha Burkina Faso gaarsiiyay farriin rasmi ah oo uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud.

“Waxaan isla garannay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga dhinacyada is-weydaarsiga xogta sirdoonka, tababarrada iyo wada shaqeynta hay’adaha amniga,” ayuu yiri Wasiir Fartaag.

Labada dowladood ayaa sheegay inay wadaagaan caqabado isku mid ah oo ku saabsan la dagaallanka argagixisada, taasoo sababtay in la dardargeliyo wada shaqeynta labada dhinac.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 05 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiirka Qoyska oo kulan la qaadatay Danjiraha Xuquuqul Insaanka Ingiriiska

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

Guddoomiyaha guddiga Xuquuqul Insaanka oo la kulantay ku xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobay

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryam...

Dagaal siyaasadeed oo ka dhex qarxay Xasan Sheekh iyo Qoor qoor

Waxaa banaanka u soo ifbaxay khilaaf siyaasadeed oo u...

RW Xamsa oo digniin adag u diray Siyaasiyiinta Mucaaradka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa...

Shirka Golaha wasiirada Soomaaliya oo looga hadlay amniga Dalka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles