Soomaaliya iyo Dalalka AUSSOM oo Ku Heshiiyay Kordhinta Taageerada Howlgalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo waddamada ciidamada ku leh Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa ku heshiiyay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay laga codsado in muddo 18 ilaa 24 bilood ah loo kordhiyo taageerada howlgalka.

Go’aanka ayaa lagu gaaray shir ay magaalada Kampala ku yeesheen Wasiirrada Gaashaandhigga iyo mas’uuliyiin ka kala socday Soomaaliya, Uganda, Kenya, Itoobiya, Jabuuti, Burundi iyo Masar. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sugidda amniga Soomaaliya, dagaalka Al-Shabaab, helitaanka maalgelin waarta iyo ka hortagga firaaq amni oo ka dhalan karta marka uu dhammaado taageerada Mareykanka ee AUSSOM dhammaadka sannadka 2026.

Warmurtiyeedka shirka ayaa sidoo kale lagu adkeeyay dardargelinta dhismaha iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si ay mustaqbalka si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka. Shirka wasiirrada ayaa gogol-xaar u ah shir-madaxeedka madaxda dalalka ciidamada ku biiriya AUSSOM iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya oo maanta ka dhacaya Kampala.

WARARKII KALE

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan wax-ku-ool ah kula yeeshay magaalada New York Dhigiisa Serbia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Trump oo garaadka macmalka ee AI u bixiyay magac cusub

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa ku bixiyay magac...

Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed oo Qaabilay U-qaybsanaha Difaaca Mareykanka

Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji,...

Shirka Golaha guud ee Q.M oo furmay iyo Guterres oo fariin u diray dunida

Waxaa si rasmi ah u furmay shirka Golaha Guud...

RW Xamsa Abdi Barre oo la kulmay Taliyaha Difaaca Cirka Pakistan

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre,...

Khilaafka Uganda iyo Turkiga oo lala xiriirinayo mustaqbalka ciidamada Uganda ee Soomaaliya

Warbaahinta fadhigeedu yahay Turkiga ee Middle East Eye (MEE)...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles