Monday, April 6, 2026

Soomaaliya iyo Koofur Afrika oo yeeshay wadahadallo muhiim ah

Wasiirka arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta magaalada Pretoria kulan wadahadal laba-geesood ah kula yeeshay Wasiirka Xiriirka Caalamiga ah iyo Iskaashiga Jamhuuriyadda Koonfur Afrika,

Mudane Ronald Lamola. Kulankaasi waxa uu diiradda saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Koonfur Afrika iyo horumarinta iskaashi wax ku ool ah oo dhinacyo badan leh.

Labada wasiir ayaa ka wada hadlay ballaarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, waxbarashada, caafimaadka, horumarinta awoodda aadanaha, iyo beeraha, iyagoo si gaar ah u adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la hirgeliyo tallaabooyin wax ku ool ah oo keena natiijooyin la taaban karo oo ay ka faa’iideystaan labada shacab.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Dowladda Koonfur Afrika taageerada mabda’a ku dhisan ee ay si joogto ah ugu muujiso madax-bannaanida, midnimada, iyo amniga Soomaaliya. Sidoo kale, labada dhinac ayaa mar kale adkeeyay sida ay uga go’an tahay sii wadidda wada-shaqqeynta iyo is-waafajinta mowqifyada ay ka wadaagaan fagaarayaasha goboleed iyo kuwa caalami ah, gaar ahaan arrimaha la xiriira nabadda, xasilloonida, iyo horumarka waara.

Kulanka sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Koonfur Afrika, Mudane Ambassador Maxamed Sheekh Isxaaq.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 05 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan sheekh oo kulan la Qaatay Gogaanka Guud Ee Dhaqanka Koofur galbeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Beesha Lafta gareen

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah...

Olole iyo kulamo siyaasadeed oo xoogan oo ka socda Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa haatan noqotay...

Taliyeyaasha Ciidamada Dhulka Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga milateri

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sahal Cabdullaahi Cumar...

Xildhibaano ka tirsan BFS oo qeylo dhaan u diray Beesha Caalamka

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles