Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Baydhabo ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Mudane Cabdikariin Axmed Xasan iyo wafdi uu hoggaaminayo kuwaas oo maanta soo gaaray Magaalada Baydhabo.

Madaxweyne Laftagareen iyo Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Qaranka ayaa Kulankooda uga wada hadlay arrimo la xiriira geeddi-socodka doorashooyinka Dalka, wadatashi ku saabsan hawlaha doorashooyinka iyo qiimeynta diyaar-garowga habsami u socodka howlaha la xiriira geeddi-socodka dimuqraadiyadda dalka.

Goor hore oo maanta ah, guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Mudane Cabdikariin Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Baydhabo u gaaray si ay kulamo ula yeeshaan mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Koonfur Galbeed, oo ugu Horeeyo Madaxweyne Laftagareen si ay uga wada hadlaan dardargelinta arimaha doorashooyinka.

WARARKII KALE

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles