Friday, February 20, 2026

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo kala saxiixday heshiis is afgarad ah

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya,  Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya Mudane Saleh bin Nasser Al-Jasser.

Heshiiskan ayaa khuseeya iskaashiga dhinacyada Gaadiidka Badda iyo Horumarinta Dekadaha, waxa uu xoojinayaa xiriirka istaraatiijiyadeed iyo wada-shaqeynta qotada dheer ee u dhexeysa labada dal.

Iskaashigan ayaa si gaar ah diiradda u saaraya horumarinta kaabeyaasha dekadaha, tayeynta adeegyada gaadiidka badda, dhiirrigelinta maalgashiga, iyo is-dhaafsiga khibradaha iyo aqoonta farsamo.

Heshiiskan ayaa kor u qaadaya hufnaanta iyo wax-soo-saarka dekadaha dalka, kordhinta isku xirka ganacsiga badda, iyo xoojinta doorka Soomaaliya ku leedahay marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee gobolka. Sidoo kale, waxa uu kaalin muuqata ka qaadan doonaa kobaca dhaqaalaha qaranka iyo abuuridda fursado horumarineed oo waara.

WARARKII KALE

Shirkii DFS iyo Golaha Mustaqbalka oo maanta baaqday

Shirkii golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed iyo Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa...

Qarax lagu xiray gaari uu lahaa sarkaal Boolis ah oo ka dhacay Muqdisho

Warar dheeri ah ayaa ka soo baxaya qarax saaka...

Trump oo shaaciyay lacagta uu Mareykanka ku bixinayo dibu dhiska Gaza

Madaxweynaha Mareykanka,Donald Trump, ayaa sheegay in Mareykanku bixin doono...

Q.M oo ku baaqay in Tanaasul ay muujiyaan madaxda DFS iyo hoggaanka Mucaaradka

Qaramada Midoobay ayaa bogaadisay wadahadalladii u dhexeeyay xukuumadda federaalka...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Golaha wasiirada oo xilkii ka qaaday agaasimihii Qaxootiga iyo Barakacayaasha

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles