Monday, April 6, 2026

Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis ku saabsan horumarinta Arrimaha islaamka

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya  Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo dhowaan  gaaray Dalka Sacuudi Carabiya ayaa heshiis ku saabsan horumarinta arrimaha islaamk kula saxiixday magaalada Jeddah dhiggiisa Wasiirka Awqaafta, Arrimaha islaamka, Dacwada iyo Hanuuninta ee Dalka Boqoortooyada Sacuudi Carabiya Dr. Cabdiladhiif Ibnu Cabdulcasiis Aala Sheekh.

Heshiiskan ay qalinka ku duugeen labada wasiir ee Dalalka Soomaaliaya iyo Sacuudi Carabiya ayaa socon doono muddo seddex sano ah 2026 – 2028, waxeyna labada dhinac iska kaashan doonaan xoojinta iyo dardar gelinta Arrimaha Islaamka,
Gaar ahaan, horumarinta arrimaha Awqaafta, tababaradda imaamyada iyo khadiibyada Masaajida oo la siinayo koorsooyin karaan dhis ah oo lagu baranayo sida looga hortago afkaaraha xagjirmimada, ka qeyb galka madallada aqoon isweydaarsiga islaamka, shirarka caalamiga iyo tartamada xifdinta Quraanka kariimka.

WARARKII KALE

DFS oo war ka soo saartay duqeyn ka dhacday G/Baay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in Ciidanka Qaranka, oo...

DFS oo war ka soo saartay shidaal qodista ka bilaabanaysa dalka

Wasiiru dowladaha Xukuumadda Soomaaliya Cali Cumar ayaa qoraal uu...

Khasaare ka dhashay gantaallo ay Iraan ku weerartay Israa’iil

Iiraan ayaa labo gantaal ku garaacday magaalooyin ku yaala...

Wasiirka Tamarta Turkiga oo ku soo wajahan Muqdisho

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Alparslan Bayraktar...

Mareykanka, Iiraan, iyo dhexdhexaadiyayaal oo ka wada hadlaya xabad joojin

Warbaahinta Axios ee Mareykanka ayaa soo xigatay afar ilo...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 05 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles