MW Xasan Sheekh oo soo xiray shirka Wasiirada Maaliyada ee Geeska Afrika

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay soo xiray kulanka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Madasha Iskaashiga dalalka Geeska Afrika, kaasi oo markii ugu horreysay lagu qabtay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Wasiirrada Maaliyadda iyo madaxda ka kala socotay dalalka xubnaha ka ah Madashan doorka ay ka qaadanayaan xoojinta iskaashiga dhaqaale, is-dhaafsiga waayo-aragnimada iyo horumarinta xasilloonida dhaqaale ee gobolka Geeska Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale xusay in martigelinta shirkan heerkiisu sarreeyo ay muujinayso, soo kabashada Soomaaliya iyo kalsoonida sii kordheysa ee caalamku ku qabo dalkeenna, iyada oo Soomaaliya ay haatan hayso hoggaaminta Madashan, taas oo Madaxweynaha ku tilmaamay fursad muhiim ah oo lagu xoojinayo wada-shaqeynta gobolka, laguna hormarinayo danaha wadajirka ah ee dalalka xubnaha ka ah.

WARARKII KALE

Donald Trump oo u jawaabay Obama si adagna u weeraray

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si kulul u weeraray...

Garaad Jaamac oo ku baaqay in la garab istaago dadka Moyale

Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa sheegay in taageerada dadka...

Xuutiyiinta oo sheegay in Sacuudigu weeraro dhimasho sababay ka gaystay Sanca

Shabakadda Al-Masirah, oo ay maamulaan Xuutiyiintu, ayaa warisay in...

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles