Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis ku saabsan horumarinta Arrimaha islaamka

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya  Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo dhowaan  gaaray Dalka Sacuudi Carabiya ayaa heshiis ku saabsan horumarinta arrimaha islaamk kula saxiixday magaalada Jeddah dhiggiisa Wasiirka Awqaafta, Arrimaha islaamka, Dacwada iyo Hanuuninta ee Dalka Boqoortooyada Sacuudi Carabiya Dr. Cabdiladhiif Ibnu Cabdulcasiis Aala Sheekh.

Heshiiskan ay qalinka ku duugeen labada wasiir ee Dalalka Soomaaliaya iyo Sacuudi Carabiya ayaa socon doono muddo seddex sano ah 2026 – 2028, waxeyna labada dhinac iska kaashan doonaan xoojinta iyo dardar gelinta Arrimaha Islaamka,
Gaar ahaan, horumarinta arrimaha Awqaafta, tababaradda imaamyada iyo khadiibyada Masaajida oo la siinayo koorsooyin karaan dhis ah oo lagu baranayo sida looga hortago afkaaraha xagjirmimada, ka qeyb galka madallada aqoon isweydaarsiga islaamka, shirarka caalamiga iyo tartamada xifdinta Quraanka kariimka.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles