RW Xamsa oo xalay kulan la qaatay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay Hoygiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Durmuş Ünüvar, oo booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, dekadaha, gaadiidka badda, amniga iyo tamarta.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay joogteynta iyo ballaarinta iskaashiga taariikhiga ah ee labada dal, isaga oo xusay doorka muuqda ee dowladda Turkiga ka qaadatay dib-u-dhiska iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiir Ku-xigeenka Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Durmuş Ünüvar, ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha iyo Dowladda Soomaaliya soo-dhaweynta diirran, isaga oo tilmaamay sida ay dowladda Turkiga uga go’an tahay dardar-gelinta heshiisyada wadajirka ah iyo mashaariicda horumarineed ee kor u qaadaya kobaca dhaqaale iyo ganacsi ee labada dal.

Kulanka oo uu qeyb ka ahaa Safiirka Dowlada Turkiga u qaabilsan Soomaaliya Amb. Alper Aktaş ayaa Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, lagu guddoonsiiyey hadyad qiimo badan oo ay ku qoran yihiin Aayadaha qur’aanka Kariimka ah.

Raiisul Wasaaraha JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka mahadceliyay taageerada joogtada ah ee dowladda iyo shacabka Turkiga ay la garab taaganyihiin bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan waqtiyadii kala duwanaa ee dowladaha shisheeye ay soo fara-geliyeen midnimada Jamhuuriyadda Soomaliya.

WARARKII KALE

Maxay ka wadahadleen labada guddoon ee BFS?

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa Itoobiya oo si nabad ah ku gaaray Ceel-Barde

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa dalka Itoobiya ayaa maanta...

Puntland oo Gaalkacyo ka mamnuucday qaadashada hubka

Wareegtada ayaa lagu xusay in sharciga Nabadgelyada Guud ee...

RW Xamsa oo gaaray Jeddah iyo Sacuudiga oo garab istaag u muujiyay Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa...

Dagaalka Mooyaale oo maalintii afraad galay

Dagaal culus ayaa maalintii afraad oo xiriir ah ka...

 Deni oo maanta hortagaya Baarlamaanka Puntland iyo go’aanno siyaasadeed oo laga sugayo

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta la filayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles