Monday, June 29, 2026

Puntland oo sheegtay in dad badan ay u geeriyoodeen Biyo la’aan ka jirto Gobolka Mudug

Inta la xaqiijiyay todobada qof oo carruur u badan ayaa biyo la’aan ugu geeriyooday deegaanno ka tirsan degmada Jariiban ee gobolka Mudug ee Puntland.

Guddoomiyaha gobolka Mudug Faysal Sheekh Cali Jifo-jabsade ayaa sheegay in xaalad khatar ah ay ka jirto deegaanada ay abaarta ka jirta, isaga oo diray qaylo-dhaan la xiriirta biyo la’aan iyo baad la’aan daran oo ka jirta guud ahaan gobolkaas.

Dhammaan gobolada Puntland waxaa ka jirta biyo la’aan xoog leh oo ay keentay abaarta, kadib markii ay baaqdeen roobabkii la filayay xiiliyadii dayrta iyo guga ee sanadkii hore, waxaana la tilaamay in ay gureen baraagihii iyo ceelashii abaarta awgeed.

Waxaana laga soo dayrinayaa nolosha dadka reer guuraaga ah oo ay soo wajahday cunto la,aan iyo biyo la,aan, iyada oo ay magaalooyinka ku soo xeroodeen qoysas ka badan boqolaal, kuwaas oo ka mid ah dadka ku barakacay abaarta ka jirta Puntland.

WARARKII KALE

RW Xamse“Muqdisho Hub Laguma Dhex Sito”

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in...

Kenya oo Faahfaahin Ka Bixisay Sababta Loo Masaafuriyay RW Ku-xigeenka Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid

Hay’adaha ammaanka Kenya ayaa faahfaahin ka bixiyay sababaha loo...

Taliyaha Qeybta 54-aad ee Ciidanka Xoogga oo la filayo inuu gaaro Garoowe

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Taliyaha cusub ee...

Ciidamada Qalabka Sida oo Dhoollatusyo u Diyaarinaya Xuska 1-da Luulyo

Magaalada Muqdisho iyo gobollo ka tirsan dalka ayaa waxaa...

Pakistan oo weerar ku qaaday Afghanistan

Pakistan ayaa sheegtay inay qaaday duqeymo cirka ah iyo...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles