Friday, April 3, 2026

Soomaaliya oo cambaaraysay falkii lagu dilay Hoggaamiyihii Ururka Xamaas Ismail Haniyeh

Soomaaliya ayaa ka hadashay dilkii shirqoolka ahaa ee lagu dilay hoggaamiyihii Ururka Xamaas Isma’il Haniyeh, kaasi oo lagu dilay magaalada Caasimadda ah ee dalka Iraan ee Tehran.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay cambaareynaysaa dilka maamulka Israa’iil uu u geystay hogaamiyihii xafiiska siyaasadda ee Xamaas Ismaaciil Haniya, allaha u naxariistee, kaas oo ka dhacay magaalada Tehran ee dalka Iiraan, falkaas oo ka soo horjeeda sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arimaha dibadda Soomaaliya.

Sidoo kale war-saxaafadeedka ayaa lagu yiri “Soomaaliya waxay ka digaysaa kororka rabshadaha oo keeni kara xadgudubyo dheeraad ah oo ka dhan ah dadka rayidka ah, taasoo ka dhalin karta isku dhac ballaaran oo hubeysan bariga dhexe. Soomaaliya waxay cambaareynaysaa dilalka siyaasadeed iyo rabshadaha nooc kasta ah, iyadoo aan loo eegin sababaha ka dambeeya”

Dowladda Soomaaliya ayaa adkeysay baahida loo qabo in bulshada caalamku qaaddo mas’uuliyadooda oo ay qaadaan tallaabooyin deg-deg ah si loo joojiyo weerarka Israa’iil ee Gaza iyo xadgudubyada ay ku hayso sharciga caalamiga.

“Soomaaliya waxay u tacsiyeynaysaa dowladda Falastiin ee walaalaha ah, shacabka Falastiin, iyo qoyskii Dr. Haniya iyo asxaabtiisii, allaha u naxariistee” ayaa lagu soo gabagabeeyay Warsaxaafadeedka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Baydhabo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...

Dayaarad dagaal oo Maraykanku leeyahay oo ku dhacday gudaha Iiraan

Diyaarad dagaal oo uu leeyahay Mareykanka ayaa ku burburtay...

Mahad Salaad oo la kulmay madaxda hay’adaha CIA iyo FBI

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA),...

Taliya ciidamada xoogga oo sheegay inuu bilaaban doono howlgal culus

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Ibraahim Maxamed Maxamuud oo...

Guddoomiye Shuute oo Fariin adag u diray Ciidamada

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Xasan Cali Nuur Shuute...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles