Saturday, March 14, 2026

Soomaaliya oo garab u muujisay Qatar kadib markii la weeraray

Wasiirka Gaashaandhigga ee Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa khadka taleefanka kula hadlay Ku-xigeenka Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Gaashaandhigga ee Qatar, Sheikh Saud bin Abdulrahman bin Hassan Al Thani.

Intii lagu guda jiray wada-hadalka, Wasiir Fiqi ayaa muujiyay taageerada iyo garab-istaagga buuxa ee Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay la garab taagan yihiin Dowladda iyo shacabka Qatar, kaddib weerarradii dhawaan lagu beegsaday gudaha dalkaas.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa si adag u cambaareeyay weerarradaas, isaga oo ku tilmaamay falal xadgudub ku ah amniga iyo madaxbannaanida Qatar, isla markaana ka hor imanaya qawaaniinta iyo mabaadi’da caalamiga ah.

Sidoo kale, Wasiir Fiqi ayaa carrabka ku adkeeyay kalsoonida ay Soomaaliya ku qabto in Dowladda Qatar ay ka gudbi doonto caqabadaha jira, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga dhow ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Ciidamada oo toogasho ku fulisay askari ka tirsanaa NISA

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa fulisay xukunka dilka toogashada...

Ciidamo ka soo horjeeda Lafta Gareen oo dagaal kula wareegay Qansax-dheere

Dagaal xooggan ayaa maanta waxaa uu ka dhacay degmada...

Duqeyn ka dhacday Hiiraan iyo Mudug oo lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab

War qoraal ah oo ka soo baxay Hay’adda Nabad...

Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo hakiyay dhoofinta shidaalka Khaliijka

Dagaalka u dhexeeya Iran iyo isbahaysiga Maraykanka iyo Israa’iil...

Imaaraadka Carabta oo xirtay dad lagu eedeeyay inay duubeen weerarada Iran

Imaaraadka Carabta ayaa amar ku bixisay in la xiro...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles