Soomaaliya oo ka qeyb gashay shir ka dhacay Itoobiya

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Soomaaliya, Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay kalfadhiga SDG6 ee madasha ARFSD12, isagoo diiradda saaray saameynta isbeddelka cimilada iyo helitaanka biyo nadiif ah.

Wasiirku wuxuu tilmaamay in caqabadaha sida isbeddelka cimilada, kororka magaalooyinka, iyo maalgelin la’aanta ay si weyn u saameeyeen sugnaanta biyaha ee Afrika, taasoo caqabad ku ah horumarka waara. Wuxuu adkeeyay baahida loo qabo xoojinta adkeysiga bulshada si loola tacaalo khatarahaas.

Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay in helitaanka biyo nadiif ah uu si toos ah ugu xiran yahay awoodda bulshooyinka ee la qabsiga isbeddelka cimilada, taas oo muhiim u ah nolosha iyo horumarka guud.

Ugu dambeyn, Wasiirku wuxuu ku baaqay in la xoojiyo iskaashiga caalamiga ah iyo maalgelinta, si loo xaqiijiyo yoolka SDG6 ee ah in dhammaan bulshada helaan biyo nadiif ah oo la isku halleyn karo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 26 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

RW Xamsa oo u safray Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Guddiga Doorashada oo aqbalay go’aanka Maxkamadda Sare ee laashay doorashadii Galmudug

Guddiga lagu muransanyahay ee doorashada ayaa goordhow ku dhawaaqay...

Itoobiya oo badeshay ciidamadeeda ku sugnaa Baydhabo iyo kuwa cusub oo ay geysay Magaalada

Dowladda Itoobiya ayaa la sheegay inay beddeshay dhammaan ciidamadii...

Burburin iyo barakac xooggan oo ka socda Buulo Eelay, Muqdisho oo wajahaysa qax

Burburin iyo barakac ayaa xalay saqdii dhexe ka bilowday...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho kula kulmay Wasiirka UK u qaabilsan Afrika

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Muqdisho kulan kula...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles