Wednesday, July 30, 2025

Soomaaliya oo ka qeyb gashay shir ku saabsan Teknolojiyadda oo ka socda Switzerland

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoloojiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Aadan Macallin (Soomaali), ayaa ka qeybgalay shirweynaha sare ee WSIS+20 oo ka socda magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Shirweynahan heer caalami ah, oo ay si wadajir ah u martigelinayaan Hay’adda Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) iyo Dowladda Switzerland, ayaa lagu falanqeeyay horumarka dhijitaalka ah ee laga gaaray tan iyo bilowgii WSIS, iyadoo sidoo kale lagu dejinayay jihada cusub ee kobcinta Teknoloojiyadda mustaqbalka.

Intii uu shirku socday, Wasiir Maxamed Aadan ayaa kulammo miro-dhal ah la yeeshay Agaasimaha Guud ee Waaxda Horumarinta Isgaarsiinta ee ITU (BDT), Dr. Cosmas Zavazava, iyo Wasiirrada Isgaarsiinta ee dalalka Malaysia iyo Jabuuti. Kulammadan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa barnaamijyada horumarinta dhijitaalka ah, gaar ahaan dhinacyada xirfadaha dhallinyarada, amniga internetka, iyo maamulka dowladnimada dhijitaalka ah.

Wasiir Maxamed Aadan waxa uu hoosta ka xariiqay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay in ay sii xoojiso wadashaqeynta ay la leedahay ITU iyo daneeyeyaasha kale ee caalamiga ah, si isbeddelka dhijitaalka ah uu u noqdo mid waara,

Wafdiga uu hoggaaminayay Wasiirka waxaa qeyb ka ahaa Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalalka Switzerland iyo Austria, Amb. Khadra Axmed Ducaale.

WARARKII KALE

Dagaal markale ka qarxay Beledxaawo

Wararka ka imaanaya magaalada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo...

Qoysas hor leh oo ka barakacay dagaalka Beledxaawo oo gaaray Magaalada Mandheere

Warbaahinta deegaanka Mandheera ayaa baahisay in saacadihii la soo...

Waa sidee saaka xaalada Beledxaawo, kadib dagaalkii shalay

Magaalada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa saaka ku waabariisatay...

Mareykanka iyo Iran oo hanjabaad hawada isku mariyay

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Araqchi oo u...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 29/07/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil iyo Madaxweyne Putin oo ka wada-hadlay arrimaha Iran

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa la hadlay madaxweynaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles