Soomaaliya oo si adag u cambaareysay weerarrada Iiraan, kuna baaqday mowqif mideysan oo Carbeed

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay cambaareynta weerarrada la sheegay in Iiraan ay ku qaadday dalal Carbeed oo ku yaalla Bariga Dhexe, iyadoo muujisay taageero buuxda oo ay la garab taagan tahay dowladaha Carabta ee wajahaya xaaladdan.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Maxamed Cali, ayaa Talaadadii ka qeyb galay shir degdeg ah oo heer wasiir ah oo ay yeesheen Golaha Jaamacadda Carabta, kaas oo lagu qabtay hab muuqaal fogaan ah (videoconference).

Shirka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray qaraar ay soo gudbisay Dowladda Boqortooyada Baxreyn, kaas oo ku saabsan weerarrada ay Iiraan ku qaaday dalal Carbeed, iyo sidoo kale waajibaadka saaran Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ee ku aaddan ilaalinta sharciga caalamiga ah.

War ay soo saartay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag loogu cambaareeyay tallaabooyinka Iiraan, iyadoo la caddeeyay in Soomaaliya ay si buuxda u garab taagan tahay dalalka Carabta ee wajahaya weerarradan.

Soomaaliya ayaa sidoo kale dib u xaqiijisay sida ay uga go’an tahay ilaalinta sharciga caalamiga ah, sugidda marinnada ganacsiga badda ee caalamiga ah, iyo taageeridda dadaallada wadajirka ah ee lagu xoojinayo xasilloonida gobolka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa carrabka ku adkaysay in midnimada dalalka Carabta ay tahay arrin istiraatiiji ah oo lama huraan ah, iyadoo ku baaqday in la qaato mowqif mideysan oo lagu difaacayo amniga qaranka ee dalalka Carabta, isla markaana lagu ilaalinayo nidaamka caalamiga ah ee ku dhisan qawaaniinta.

WARARKII KALE

Maxkamadda Sare oo qabatay dacwad ka dhan ah dastuurka cusub iyo muddo kororsiga hay’adaha dowladda

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Maxkamadda Sare ee...

Ciidamada Laftagareen oo culeys saaray deegaanada KGS

Ciidamada taabacsan madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis...

Booliska Puntland oo digniin ka soo saaray safarrada xilliga roobabka

Ciidanka Booliska Puntland, gaar ahaan Laanta Nabadgelyada Waddooyinka, ayaa...

Xuutiyiinta oo uga digay Mareykanka inay jawaab “xanuun badan” ka bixin doonnaan haddii uu soo farageliyo

Xuutiyiinta ayaa Maraykanka uga digay in uu wajihi doono...

Trump oo labo dal u kala saaray Somaliland iyo Soomaaliya

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa hadal la xiriira Soomaaliya...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles