Soomaaliya oo si adag uga hortimid tallaabada Israel, khilaafna ka jira Waqooyi Galbeed

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa si adag uga hadlay tallaabada Israel ay ku magacawday wakiil diblomaasiyadeed deegaannada Waqooyi Galbeed, isagoo ku tilmaamay “xadgudub cusub oo cad” oo ka dhan ah madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Somalia.

Wareysi uu siiyay Al Jazeera, ayuu wasiirku ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay si buuxda u diidan tahay tallaabadaas, isla markaana ay mudnaan siinayso waddooyinka diblomaasiyadeed si looga hortago xiisadda ka dhalan karta.

Wasiirka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in khilaaf gudaha ah uu ka jiro mas’uuliyiinta Waqooyi Galbeed, isagoo xusay in tiro yar oo mas’uuliyiin ah ay taageersan yihiin xiriirka Israel, halka inta badan shacabka iyo masuuliyiinta kale ay diidan yihiin.

“Aqoonsiga Israa’iil xitaa iskuma waafaqsana mas’uuliyiinta maamulkaasi, shacabkana maba rabaan faragelin dibadeed,” ayuu yiri Wasiirka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in tallaabada Israel ay tahay mid si toos ah u jebinaysa madax-bannaanida dalka, islamarkaana ay tahay fal kicin kara xiisado hor leh oo ka dhaca Geeska Afrika.

Wasiirku wuxuu xusay in Soomaaliya ay heshay taageero caalami ah oo ballaaran, oo ay ka mid yihiin United Nations, African Union iyo Arab League, iyo sidoo kale dalal dhowr ah oo Islaami ah sida Turkey, Qatar, Saudi Arabia, Egypt,  iyo Algeria.

Dhinaca kale, Israel ayaa dhawaan magacawday safiir aan deggeneyn oo loo diray Waqooyi Galbeed, tallaabadaas oo timid kadib aqoonsigii ay siisay dhammaadkii sanadkii hore iyo xiriirkii ay la sameysay maamulkaasi, iyadoo sidoo kale uu booqday wasiirka arrimaha dibadda Israel, Gideon Sa’ar, bishii Janaayo 2026.

Wasiirka Warfaafinta ayaa ugu dambeyn ka digay in xaaladdan ay horseedi karto xiisad cusub oo gobolka ka qaraxda, isagoo xusay in Soomaaliya ay diiradda saareyso xasilloonida gudaha iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada sida Al-Shabaab iyo Islamic State.

Wuxuu ugu baaqay beesha caalamka iyo Israel in ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo sii hurin karta colaado cusub, maadaama Soomaaliya ay kasoo kabaneyso dhibaatooyin iyo dagaallo muddo dheer soo jiitamayay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

labo macallin oo lagu toogtay iskuul ku yaal Faransiiska

Arday ayaa la xiray kaddib markii maamule iyo macallin...

Baaritaan laga fuliyay guriga Ilhan Omar maxaa loo haystaa

Saraakiisha socdaalka ee Maraykanka ayaa baaritaan ka fuliyey guriga...

 MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay xuska maalinta Calanka

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay...

Somaliland oo Itoobiya u bandhigtay isticmaalka dekedda Berbera iyo marin-badeedkeeda

Maamulka Somaliland ayaa mar kale muujiyey sida uu diyaarka...

12-ka Oktoobar: Taariikhda Calanka Soomaaliyeed iyo halgankii ka dambeeyay

Maanta oo kale, 12-ka Oktoobar, Soomaaliya waxay xustaa maalinta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles