Friday, February 7, 2025

Suuriya oo dooneysa in ay iskaashi la yeelato Imaaraadka, Qatar iyo Urdun

Wasiirka arrimaha dibadda ee Suuriya, Asaad Xasan Al-Shaibaani, ayaa ku dhawaaqay inuu booqan doono dalalka Qatar, Imaaraadka Carabta iyo Urdun, isagoo dhawaan safarkiisii ugu horreeyay ee dibadda ah dhowaan ku tagay dalka Sucuudiga.

Wasiirka ayaa bartiisa bulshada ku sheegay inΒ  uu booqan doono saddexda waddan toddobaadkaan si loo taageero xasilloonida, amniga, soo kabashada dhaqaalaha iyo dhisidda iskaashi ay la yeeshaan dalalkaasi.

Xukuumadda cusub ayaa u hanqal taageysaΒ  inay maal-gashi ka helaan waddamada Khaliijka ee hodanka ah si ay gacan uga geystaan dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha iyo kobcinta dhaqaalahaΒ  oo ku burburay dagaaladii ka jiray dalkaasi muddo toban sano ah.

Sacuudi Carabiya oo todobaadkii hore uu booqdy wasiirka Arrimaha Dibadda Suuriya ayaa durba u muuqata mid door weyn ka qaadaneysa dib u soo nooleynta dalkaasi,gaar ahaan arrimaha bini;aadanimada iyo dib u dhiska dalka.

WARARKII KALE

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xoojiyay Baaqa Golaha XFS Ee Dagaalka Ka Dhanka Ah Daacish

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 06/02/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Donald Trump oo sheegay in Israa’iil ay ku wareejin doonto Qaza Mareykanka,

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Israa’iil ay...

Wararkii ugu danbeeyay ee colaadda Sudan

Ilo-wareedyo ciidan ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay...

Firdhiye oo furay dugsiga tababarka ciidanka Daraawiishta SSC

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, ayaa maanta...

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo Gudoomiyay Kulanka Guddiga Joogta ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles