Maamulka Taalibaan ee Afghanistan ayaa sheegay inay diyaar u yihiin wada-xaajood ay la yeeshaan Pakistan, kadib markii iska horimaadyada xadka ay gaareen heer ay diyaaradaha dagaalka Pakistan duqeeyaan Kabul iyo Kandahar.
Afhayeenka dowladda Afghanistan (Zabihullah Mujahid) ayaa sheegay in hoggaamiyeyaasha Taalibaan ay diyaar u yihiin wada-hadal si loo soo afjaro rabshadaha.
Jimcihii, wasiirka gaashaandhigga Pakistan, Khawaja Asif, ayaa ku dhawaaqay dagaal furan oo ka dhan ah Afghanistan. Labada dhinacba waxay sheegeen inay dileen tobannaan askari oo ka tirsanaa dhanka ale.
(Taalibaan ayaa beenisay eedeymaha sheegaya inay hooy siiyaan maleeshiyaad weerarro ka fuliya gudaha Pakistan, kuwaas oo bartilmaameedsada rayidka iyo askarta.)


