Taliyaha ciidanka xoogga oo amar ku bixiyay in hubka laga mamnuuco Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa magaalada Baydhabo ku guddoomiyay shir muhiim ah oo ay yeesheen laamaha amniga, kaas oo ay ka qeyb galeen saraakiil ka kala socotay Ciidanka Xoogga Dalka, howlgalka AUSSOM iyo Hay’adda NISA.

Shirkan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa amniga guud ee magaalada Baydhabo, iyadoo si gaar ah loo falanqeeyay khatarta ka dhalan karta hubka sharci darrada ah ee lagu dhex wato magaalada.

Taliyaha ayaa amar cad siiyay saraakiisha ciidamada, isagoo faray in si adag loo mamnuuco ku dhex qaadashada hubka culus ee magaalada, gaar ahaan gaadiidka lagu xiro qoryaha waaweyn. Wuxuu si gaar ah u xusay hubka noocyadiisa kala duwan sida BKM, RPG iyo hub kasta oo culus oo khatar gelin kara nabadgelyada shacabka.

Sidoo kale, Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la dardargeliyo howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka howlgala deegaanno ka tirsan gobolka Baay, si loo wiiqo awoodda maleeshiyaadkaas loona xaqiijiyo amniga guud ee gobolka.

Shirkan ayaa kusoo beegmaya xilli xasaasi ah, iyadoo la filayo in magaalada Baydhabo ay kamid noqoto goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka qof iyo codka ah ee ay qorsheyneyso Dowladda Soomaaliya, taas oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya oo go’aan ka soo saartay doorashadii ku celiska ahayd ee Galmudug

Qoraal lagu baahiyey barta Faceboog ee Maxkamadda Sare ee...

Ciidamada Jubbaland oo la wareegay xarumihii dowladda ee Beled-Xaawo

Ciidamada Jubaland ayaa si rasmi ah ula wareegay xarumihii...

DFS oo Liiska Qaran ee Cunaqabateynta Maaliyadeed ku dartay Laftagareen iyo Xubno la Xiriira

Guddiga Qaran ee Ka-hortagga Lacag-dhaqidda iyo La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada...

DDS oo markii ugu horreysay faahfaahin ka bixisay ciidamada Soomaaliya ee galay Itoobiya

Dowladda Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa markii ugu horreysay...

Maxkamadda Sare oo qabatay dacwad ka dhan ah dastuurka cusub iyo muddo kororsiga hay’adaha dowladda

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Maxkamadda Sare ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles