Taliye ka tirsanaa koox calooshood u shaqeystayaasha Ruushka ah oo lagu dilay Mali

Taliye ka tirsanaa koox calooshood u shaqeystayaasha Ruushka ah ayaa lagu dilay dalka Mali ka dib markii ay weerar ku qaadeen dagaalyahanno falaago ah oo halkaa ku sugan.

Maamulka militariga ee dalkaan ku yaalla gobolka Galbeedka Afrika ayaa u gacan haatiyay kooxda caanka ah ee Wagner sanadkii 2021, iyaga oo taageero u raadinaya la dagaalanka kooxaha jihaad doonka ah iyo xoogaga gooni u goosadka.

Isniintii kooxda Ruushka oo hadda isu beddeshay koox magaceedu yahay Africa Corps – ayaa sheegtay inay ku biirtay millatariga Mali “dagaal “ba’nna ay la galeen fallaagada gooni-goosadka ah iyo dagaalyahannada jihaad doonka ah usbuucii hore.

Si kastaba ha ahaatee, gooni u goosadka ayaa qaaday weerar culus, iyagoo dilay dad lagu qiyaasay 20 ilaa 50 calooshood u shaqeystayaal ah, sida ay BBC-da u sheegeen ilo ku dhow dhow dadka la socda xaaladda halkaa ka taagan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 09 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil oo sheegay war weyn oo ku saabsan Iiran

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, isagoo booqanayay gobolka Jabal...

Qiimada saliidda oo gaaray heerkii ugu sarreeyey tan iyo bsihii Luuliyo

Qiimaha saliidda ayaa Arbacadii kor u dhaafay 100 doolar...

Biyo-xireenka iyo Buundada Sabuun oo dib-u-dhis lagu sameynayo

Dowladda Hirshabeelle oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen...

Wasiirka Amniga Gudaha oo ka qeybgalay Madasha Caalamiga ah ee Amniga ee Lianyungang

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles