Monday, February 23, 2026

Taliyihii ciidanka Liibiya oo ku geeriyooday shil diyaaradeed oo ka dhacay Turkiga

Janaraal Maxamed Cali Axmed al-Xaddaad iyo afar qof oo kale ayaa saarnaa diyaarad nooceedu ahaa Falcon 50 oo ka duushay caasimadda Turkiga ee Ankara fiidnimadii xalay ee Talaadada.

Qoraal uu soo dhigay barta X, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Turkiga Cali Yerlikaya ayaa uu ku sheegay in signalladii diyaaraddaas la waayay ku dhawaad siddeeddii – qiyaas ahaanna ahayd afartameeyo daqiiqo kaddib markii ay ka duushay garoonka diyaaradaha ee Ankara.

Diyaaraddan oo ku sii jeedday magaalada Tripoli ayaa dirtay codsi ku saabsan degitaan degdeg ah ka hor inta aan xidhiidhkeedu lumin.

Burburka diyaaradda ayaana markii dambe laga helay koonfur-galbeed magaalada Ankara, waxaana hadda socda baadhitaan ku aaddan waxa sababay shilka.

Qoraal dambe oo uu soo dhigay X, Yerlikaya wuxuu ku qoray in booliisku ay ku arkeen hadhaaga diyaaraddii agagaarka tuulada Kesikkavak, oo ka tirsan degmada Haymana. Wuxuu sheegay in “dadwaynaha lala socodsiin doono sida wax ku danbeeyaan”.

Dalka Liibiya, Cabdul Xamiid Dbeibeh, oo ah ra’iisul wasaaraha Dawladda Midnimada Qaran (GNU) ee beesha caalamku aqoonsan tahay, ayaa sheegay inuu helay warka ku saabsan dhimashada Janaraal Xaddaad iyo saraakiil kale oo sarsare oo ka tirsan millateriga Liibiya oo saarnaa diyaaraddaas.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ku tilmaamay “khasaaraa weyn” oo soo gaadhay qarankaas.

Janaraal Xaddaad iyo kooxdiisa ayaa ku sugnaa Turkiga qaybna ka ahaa looga gol lahaa xoonintayo iskaashiga dhinaca milateriga iyo amniga ee u dhexeeya labada dal.

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Magaalada Ankara ayaa bilaabay baaritaan rasmi ah oo ku saabsan shilka diyaaradda.

Qayb ka ah baaritaankaas, afar xeer-ilaaliye ayaa loo xilsaaray, iyagoo hoos imanaya isku-duwidda ku-xigeenka xeer-ilaaliyaha guud.

Sanduuqa madow (black box) ee diyaaradda weli lama helin.

Sababta shilka ayaa la go’aamin doonaa kaddib marka la dhammeeyo baaritaannada farsamo.

Dalka Liibiya ayaa Ankara u diraya wafdi si ay ula socdaan una dabagalaan baaritaanka socda.

Agaasimaha Isgaarsiinta Madaxtooyada Turkiga, Burhanettin Duran, ayaa ka codsaday shacabka in ay ku ekaadaan oo keliya wararka iyo bayaanada ka imanaya hay’adaha rasmiga ah ee ku saabsan shilka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta soo gabagabeeyay cutubka 9-aad ee Dastuurka

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Meydadka dad tahriibayaal ah oo laga helay Liibiya iyo Giriigga

Sideed ruux oo mayd ayaa laga helay biyaha badaha...

Howlgal ka dhan ah Al-shabaab oo ka socda deegaano ka tirsan G/Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa wada howlgallo qorsheysan, kaas...

Shirkii Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo markale ka qabsoomaya Villa Somalia

Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta...

Taliban oo digniin culus dirtay

Pakistan ayaa sheegtay in ay bartilmaameedsatay “toddobo goobood iyo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles