Alle ha u naxariistee Gen. Axmed Cabdi Cali Qalyare Taliyihii Guutada 2aad ee Ciidanka Difaaca Puntland, ayaa ku geeriyooday qarax miino oo ay dhigeen kooxda Daacish, kaas oo lala beegsaday gaadiid uu la socday, islamarkaana marayay deegaanka Dhasaan ee buuraleyda Calmiskaad.
Qaraxa ayaa sidoo kale sababay dhimashada Maxamed Hiiteeye oo ka tirsanaa ciidankiisa, halka saraakiil iyo askar kalena ku dhaawacmeen.
Gen. Qalyare, oo bishii July dalka dibaddiisa uga soo laabtay safar caafimaad, waxa uu safka hore kaga jiray dagaalka adag ay ciidamada Puntland ay kula jiraan maleeshiyaadka kooxda Daacish eek u dhuumaalaysanaya buuraleyda gobolka Bari.
Madaxda Puntland, siyaasiyiin, iyo xildhibaano ka tirsan Dowladda Soomaaliya Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskiisa,ciidamada qalabka sida iyo shacabka Soomaaliyeed.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Cabdi Faarax Juxa, ayaa ku tilmaamay marxuumka “shahiid ku dhintay isagoo difaacaya dalkiisa iyo dadkiisa, sarkaal geesi ah oo qiime weyn ku lahaa halganka lagula jiro argagixisada.”
Madaxweynaha Dawladda Waqooyi Bari, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, ayaa xusay in Gen. Qalyare uu ahaa halyey naf-hur iyo waddaniyad ku dhisan, oo door muuqda ka qaatay dagaalladii lagaga saaray cadawga dhulka shacabka Waqooyi Bari.
Masuuliyiin hore iyo siyaasiyiin kala duwan, oo ay ku jiraan Xasan Shire Abgaal, ayaa ku sifeeyay geerida Gen. Qalyare mid Puntland iyo Soomaaliya oo dhan ka saartay geesi qaran oo aan la ilaawi doonin.
Gen. Qalyare wuxuu qeyb weyn ku lahaa dhismaha ciidanka Puntland iyo difaaca shacabka, isagoo sidoo kale hore uga soo shaqeeyay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, halkaas oo uu ka noqday Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ee gobolka Awdal.