Ugu yaraan 44 qof ayaa ilaa hadda ku dhintay dab xooggan oo ka kacay guryo dadweyne oo ku yaal degmada Tai Po ee Hong Kong, iyadoo 279 la la’ayahay.
Saddex sarkaal oo ka tirsan shirkad dhisme ayaa loo xiray tuhun ah dil sababay taxadar la’aan oo la xiriira agab si sahlan dabka u qaban karay, oo ay ku jiraan balaastiga, kuwaas oo suuragal ka dhigay in dabku si dhaqso ah u faafo.
In ka badan 800 oo shaqaalaha dabdamiska ah ayaa ku sugan goobta oo isku dayaya inay wax ka qabtaan dabka ka kacay dhismaha weyn ee Wang Fuk – oo ay ku nool yihiin ilaa 4,600 oo qof.
Dadka qaar ayaa lagu soo waramayaa inay weli ku xayiran yihiin dhismayaasha, inkastoo aan taas la xaqiijin.
Dabka ayaa lagu qiimeeyay heerka shanaad oo ah heerka ugu daran Hong Kong.
Ilmo yar iyo haweenay da’ ah ayaa laga badbaadiyay hawlgal samatabixin ah oo xalay saqdii dhexe dhacay, sida ay sheegayaan warbaahinta maxalliga ah.


