Monday, December 1, 2025

Toogasho ka dhacday Mareyknka oo dad carruur ku jiraan lagu laayay

Ugu yaraan afar qof, oo ay ku jiraan saddex carruur ah, ayaa lagu toogtay laguna dilay xaflad qoys oo ka dhaceysay California, sida ay sheegeen masuuliyiinta Maraykanku.

Dadka la dilay waxaa da’doodu ahayd 8, 9, 14 iyo 21 jir, sida mas’uuliyiintu sheegeen Axaddii. 11 kale ayaa ku dhaawacmay dhacdada ka dhacday makhaayad ku taalla magaalada Stockton ee woqooyiga gobolka.

Eedeysanaha weli lama qaban.

Ku xigeenka duqa magaalada, Jason Lee, ayaa sheegay in dhacdadu ka dhacday “xaflad dhalasho.”

Afhayeen lagu magacaabo Heather Brent ayaa sheegtay in ” caddeymaha ay hayaan ay muujinayaan in tani laga yaabo inay ahayd dhacdo si kas ah loo fuliyay.”

California waxay leedahay sharciyada hubka ee ugu adag Maraykanka, hase yeeshee sanadihii u dambeeyay waxaa soo foodsaaray caqabado sharciyadeed.

Sanadkii 2021-kii, garsoore federaal ah ayaa buriyay xayiraaddii dowladda gobolka ee hubka sida qori AK-15/AR-15-ka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 01 12 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Netanyahu oo maxkamad hor tagay raalligelinna bixiyay

Raysalwasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa Isniintii maxkamad ka soo...

Hindiya oo ka hadashay xaalad cusub oo ka soo korortay gobolka ay isku hayaan Pakistan ee Kshmir

Gobolka Kashmir qaybta ay maamusho Hindiya, Taliyaha Guud ee...

Maxay ka wadahadleen Axmed Madoobe iyo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta Magaalada...

Oday da’a ah oo aano qabiil darteeda loogu dilay Caabudwaaq

Wararka ka imaanaya magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa...

Boqollaal qof oo ku dhintay dalka Indonesia

Kooxaha gurmadka degdegga ah ee Indonesia ayaa weli wada...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles