Sunday, March 1, 2026

Toogasho ka dhacday Mareyknka oo dad carruur ku jiraan lagu laayay

Ugu yaraan afar qof, oo ay ku jiraan saddex carruur ah, ayaa lagu toogtay laguna dilay xaflad qoys oo ka dhaceysay California, sida ay sheegeen masuuliyiinta Maraykanku.

Dadka la dilay waxaa da’doodu ahayd 8, 9, 14 iyo 21 jir, sida mas’uuliyiintu sheegeen Axaddii. 11 kale ayaa ku dhaawacmay dhacdada ka dhacday makhaayad ku taalla magaalada Stockton ee woqooyiga gobolka.

Eedeysanaha weli lama qaban.

Ku xigeenka duqa magaalada, Jason Lee, ayaa sheegay in dhacdadu ka dhacday “xaflad dhalasho.”

Afhayeen lagu magacaabo Heather Brent ayaa sheegtay in ” caddeymaha ay hayaan ay muujinayaan in tani laga yaabo inay ahayd dhacdo si kas ah loo fuliyay.”

California waxay leedahay sharciyada hubka ee ugu adag Maraykanka, hase yeeshee sanadihii u dambeeyay waxaa soo foodsaaray caqabado sharciyadeed.

Sanadkii 2021-kii, garsoore federaal ah ayaa buriyay xayiraaddii dowladda gobolka ee hubka sida qori AK-15/AR-15-ka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iiraan oo farriin u dirtay dalalka Gacanka

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Araghchi ayaa sheegay...

Isra’iil oo weerar cusub ku qaaday Iran

Isra’iil ayaa bilowday waxa ay ugu yeertay “weerar ka...

Uganda oo shaacisay inay ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya

Taliska ugu sarreeya ciidamada milatariga dalka Uganda ayaa go’aan...

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koofur Afrika

Alle ha u naxariistee, muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi...

Taalibaan oo diyaar u ah wadahadal si loo soo afjaro dagaalka kala dhaxeeya Pakistan

Maamulka Taalibaan ee Afghanistan ayaa sheegay inay diyaar u...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles