Galmudug oo ka horyimid shaqsiyaad uu magacaabay Xisbiga MW Xasan Sheekh iyo Khilaaf ka taagan

Maamulka Galmudug ayaa si adag uga horyimid shaqsiyaad uu degmooyinka maamulkaasi u magacaabay xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka, kaasi oo uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xisbiga JSP ayaa maanta u magacaabay Cabdimanaan Maxamed Cismaan inuu noqdo Wakiilka Ururka ee Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, Galmudug Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu u magacaabay Mahad Cali Axmed inuu noqdo Wakiilka Ururka ee Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, Galmudug Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug ayaa magacaabistan ku tilmaamtay waxba kama jiraan, iyadoo sheegtay in arrintan ay tahay mid baalmarsan sharciga iyo habraacyada ururada siyaasadda.

“Wasaaradu waxay waxba kama jiraan kasoo qaadeysaa talaabadda dad sheeganaya Magaca Xisbiga Cadaalada iyo Wadajirka ay ku faafiyeen baraha bulshada shaqsiyaad lagu sheegay wakiilo urur qaar ka mid ah degmooyinka Galmudug, Arrintaas oo ah mid baalmarsan sharciga iyo habraacyada Ururada Siyaasadda,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

IGAD oo maanta Jabuuti ka furaysa shir looga hadlayo nabadda iyo amniga Geeska Afrika

Shir aan caadi ahayn oo ay yeelanayaan Golaha Wasiirrada...

Trump oo Danjirayaal Cusub u Magacaabay Soomaaliya, Jabuuti iyo Sacuudiga 

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa 14-kii Sebtembar 2026 u...

Cirro oo DF ku eedeeyay in ay dadka Kala qeybisay iyo arrimo xasaasi ah uu ka hadlay

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa sheegay in...

Duqeyn culus oo xalay ka dhacday duleedka Baydhabo

Duqeyn culus ayaa xalay ka dhacday deegaanka Ceel-Muud, oo...

Meleeshiyaad hubeysan oo dad rayid ah laayay iyo faahfaahin ka soo baxaysa

Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay weerarro ay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles