TPLF oo Itoobiya ku eedeysay in ay qorsheyneyso in la qabto doorasho iyaga aysan ku jirin

Afhayeenka TPLF waxa uu sheegay in ururkooda oo dalka ugu diwaangashan xisbi siyaasadeed in si aan sharci aheyn loo mamnuucay, wuxuuna ku eedeeyay dowladda in ay qorsheyneyso in la qabto doorasho iyaga aysan ku jirin.

Afhayeenka TPLF, Michael Asgedom, qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay, “Waxaa jira arrin isa-soo-tareysa oo ah in si sharci-darro ah loo joojiyo kaddibna gobolka Tigray laga qabto doorasho sharci-darro ah, wuxuuna ku tilmaamay, “go’aan aan waxba ku saleysneyn”.

TPLF oo weyday xubinnimadeeda in ay tahay xisbi ayaa hore u qabtay shir, waxyna ku baaqeen in laysugu yimaado mid kale oo golaha xisbiga ay ku shirayaan.

Afhayeenka xisbiga waxa uu cadeeyay in uu jiro “dareen lagu qabanayo doorasho aan sharci aheyn” oo ka dhacda gobolka Tigray taas oo uu ku sheegay in lagu “beegsanayo TPLF iyo dadkeeda”.

Shir ay isugu yimaadeen golaha guud ee xisbiga ayaa la sheegay in uu abuuray khilaaf lagu kala qeybsamay oo u dhexeeyay xubnaha ururka iyo madaxda.

Kaddib shirka waxa uu wasiirkii hore ee isgaarsiinta dalka Tulu sheegay “in uu khilaafsan yahay heshiiskii Pretoria ee lagu dhameeyay dagaalka labada sano”.

TPLF oo laga saaray liiska argagixisada kaddib heshiiskii Pretoria ayaa sidoo kale hadana laga dhigay in xisbi ahaan aysan sharic aheyn.

Waxaa jira xagjiriin ka baxay ciidamada Tigray, kuwaas oo isku magacaabay “Hara Ziraat” oo macnaheedu yahay “dhulkii xorta” ayaa lagu eedeeyay in ay weerayeen ciidamada TPLF.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

IGAD oo maanta Jabuuti ka furaysa shir looga hadlayo nabadda iyo amniga Geeska Afrika

Shir aan caadi ahayn oo ay yeelanayaan Golaha Wasiirrada...

Trump oo Danjirayaal Cusub u Magacaabay Soomaaliya, Jabuuti iyo Sacuudiga 

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa 14-kii Sebtembar 2026 u...

Cirro oo DF ku eedeeyay in ay dadka Kala qeybisay iyo arrimo xasaasi ah uu ka hadlay

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa sheegay in...

Duqeyn culus oo xalay ka dhacday duleedka Baydhabo

Duqeyn culus ayaa xalay ka dhacday deegaanka Ceel-Muud, oo...

Meleeshiyaad hubeysan oo dad rayid ah laayay iyo faahfaahin ka soo baxaysa

Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay weerarro ay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles