Friday, April 3, 2026

Trump iyo madaxweynaha Syria Ahmet Shara oo maanta ku kulmaya Aqalka Cad

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, iyo hogaamiyaha ku meel gaarka ah ee Suuriya, Ahmet Shara, ayaa ku kulmi doona Aqalka Cad maanta oo ay taariikhdu tahay 10-ka November.

Waxaa la shaaciyay in labada dhinac ay ku kulmi doonaan xafiiska Oval Office, kulankan ayaa ah mid albaabada u xiran yihiin oo saxafada loo ogolayn.

Shara waxa ay Washington soo gaaray habeennimadii Sabtida. Wuxuu markii ugu horreysay la kulmay Agaasimaha Maamulka Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) Kristalina Georgieva iyo wakiillo ka socda dhowr hay’adood oo Suuriyaan ah oo ku sugan Mareykanka.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga ,Hakan Fidan ayaa isna maanta ku sugan dalka Mareykanka.

Af hayeenka Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ayaa bayaan ay soo saartay 4-tii November ku tilmaantay kulanka in uu qeyb ka yahay, dadaallada dublamaasiyadeed ee Trump ee ah in uu la kulmo qof kasta oo adduunka ah si loo helo nabad.

Waxay sidoo kae dib u xusuusisay in Trump uu go’aansaday in uu cunaqabataynta ka qaado Suuriya, intii lagu guda jiray safarkiisii Bariga Dhexe ee bishii June.

Waa markii ugu horreysay oo madaxweyne Suuriyaan ah uu booqasho ku tago Mareykanka, tan iyo markii dalkaas uu xornimada qaatay 1946-kii.

Kulanka ayaa la filayey in muddo ah. Ergeyga gaarka ah ee Trump u qaabilsan bariga dhexe ahna safiirka u fadhiya Ankara, Tom Barrack, ayaa hore ula wadaagay rajada uu ka qabo in booqashadu ay dhacdo 10-ka November.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Suuriya, Assad Xasan Shaybani, ayaa xaqiijiyay in Sharaa uu booqan doono Aqalka Cad horraanta bisha November, wuxuuna caddeeyay in dib u dhiska Suuriya laga wada hadli doono inta uu shirku socdo.

Tom Barrack ayaa sidoo kale sheegay in ay rajeynayaan in Syria ay ku biirto isbaheysiga uu hogaamiyo Mareykanka ee ka dhanka ah Daacish.

WARARKII KALE

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Baydhabo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...

Dayaarad dagaal oo Maraykanku leeyahay oo ku dhacday gudaha Iiraan

Diyaarad dagaal oo uu leeyahay Mareykanka ayaa ku burburtay...

Mahad Salaad oo la kulmay madaxda hay’adaha CIA iyo FBI

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA),...

Taliya ciidamada xoogga oo sheegay inuu bilaaban doono howlgal culus

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Ibraahim Maxamed Maxamuud oo...

Guddoomiye Shuute oo Fariin adag u diray Ciidamada

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Xasan Cali Nuur Shuute...

Xubno ka tirsanaa Al-shabaab oo lagu dilay Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo wada hawlgalo lagu baacsanayo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles