Trump oo markale ku hanjabey in uu si daran u weerari doono Iiraan

Fox News ayaa baahisay in Madaxweyne Donald Trump uu sheegay in Maraykanku uu “si aad u xooggan” u duqayn doono Iiraan, kadib markii dalkaasi gantaallo ku weerareen saldhigyada ciidamada Maraykanka ee ku yaalla Urdun.

Fox News waxay Trump ka soo xigatay: “Si adag ayaan u garaaci doonnaa. Waxay ka shallayn doonaan go’aankooda.”

Warbaahintu waxay intaa ku dartay in madaxweynaha Maraykanku uu adeegsaday hadallo adag si uu u muujiyo hanjabaaddiisa, isagoo yiri: “Waxaan garaaci doonnaa ka hor inta aysan wax kale samayn.”

Fox News ayaa sidoo kale, iyada oo Trump soo xiganaysa, in ay dhaceen weerarro cirka ah oo ay si wadajir ah u fuliyeen Maraykanka iyo Sacuudiga, kuwaas oo lagu beegsanayo maleeshiyaad ay Iiraan taageerto oo ku sugnaa gudaha Ciraaq.

Hadalladan loo aanaynayo Trump ayaa yimid xilli xafiiska madaxweynaha Ciraaq uu cambaareeyay weerarrada Maraykanka iyo Sacuudiga, kuna tilmaamay “xadgudub cad oo ka dhan ah madaxbannaanida Ciraaq.”

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ra’iisul Wasaare Abiy oo shaaciyay in la bilaabayo dhismaha dhuumaha shidaalka ee Jabuuti iyo Itoobiya

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku dhawaaqay in...

Farmaajo oo Xasan Sheekh ugu baaqay wada-hadal qaran iyo doorasho heshiis lagu yahay

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna hoggaamiyaha Xisbiga Nabad iyo...

DFS oo ka hortimid hadalka Puntland ee madax-bannaanida

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, Cali Yuusuf...

Hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka Hirshabelle, Cali Guudlaawe oo lagu soo dhaweeyay magaalada Jowhar

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe)...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles