Sunday, January 25, 2026

Trump oo weerar ku qaaday Soomaalida iyo Ilhaan Cumar

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa mar kale weerar afka ah ku qaaday Soomaalida iyo Soomaaliyaba.

Trump oo shir jaraa’d oo aqalka cad ka hadlayay ayaa dhaleeceeyay Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay “meel aad u xun” isla markaana si xun uga hadlay Soomaalida.

Trump waxaa ii yiri:

“Ma jirto cid ka hadlaysa in ugu yaraan 19 bilyan oo dollar ay ku maqan tahay Minnesota, inteeda bandanna ay ku maqan tahay soomaalida. Way qaateen, bal qiyaas? Waa dad ay garashsadoodu yar tahay. Dadka kale way shaqaystaan lacag ayeyna helaan, ka dibna Mercedes benz ayey gataan haalkan ayeyna ka yimaadeen. Iyagu lacagna ma haystaan, marnaba lacag ma aysan yeelan, nolol ma yeelan, marnaba xukuumad ma yeelan, dal ma aysan yeelan, waayo dalba ma jiro”.

Trump oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: “Soomaaliya xataa dal ma aha, soomaaliya ma laha wax xataa astaamihii dal lagu yaqanay u eg, waxaa loo arkaa halka ugu liidata dundia. Halkan ayey imaanayaan wayna taajirayaan, wax shaqo ahna ma hayaan.

Dhanka kale waxaa uu aflagaadeeyay xildhibanad Ilhaan Cumar isagoo yiri:

“Waxaa la ii sheegay in Ilhaan Cumar hantideedu gaarayso 30 milyan oo dollar. Marnaba ma aysan shaqayn. Waa xubin congress oo turufatoore ah”.

Trump ayaa marar badan hore u weeraray Soomaaliya iyo muhaajiriinta Soomaaliyeed ee ku nool Maraykanka.

WARARKII KALE

RW Xamsa oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Deni oo kulan la qaatay Taliyeyaasha ciidamada Mareykanka iyo Ingiriiska

Madaxweynaha Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la...

Baarlamaanka Carabta oo markale garab istaag u muujiyay Yemen iyo Soomaaliya

Baarlamaanka Carabta ayaa ku dhawaaqay inuu qaadayo tallaabooyin siyaasadeed...

Somaliland oo aqbashay in deegaanada la keeno Malleeshiyo hubeysan iyo qoyskooda oo la shaqeyn jiray ISRL

Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in Somaliland ay ogolaatay in...

Puntland oo shaacisay tirada Ciidamada DFS ee ku sugan Deegaannadeeda

Puntland ayaa markii ugu horreysay shaacisay tirada ciidamada Dowladda...

Ilhan Cumar oo si adag ugu hadashay dil ay geysteen ICE

Xaaladda Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ayaa ka sii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles