Turkiga oo diyaarado dagaal u soo diraysa Soomaaliya iyo Sababta ka dambeysay

Dowladda Türkiga ayaa qorsheyneysa inay Soomaaliya u soo dirto diyaaradaha Bayraktar Akıncı asbuucaan guddihiisa ka dib codsi ka yimid dowladda federaalka Soomaaliya, sida ay baahiyeen Sida Turkish Century iyo the Wall of Atrica Journal.

Diyaaradaha Akinci, oo ah kuwa aan duuliyaha lahayn, ayaa ka awood badan kuwa TB-2 ee horey u jiray, iyagoo leh awood dagaal oo dheeri ah, hase yeeshee wali kuma guuleysan dowladda ayaan lahayn Ciidan kuwa cirka ah oo shaqeeya, ama khubaro militeri oo aqoon u leh isticmaalka drones-ka.

Diyaaradaha Akinci ayaa la layaa inay gacan ka geystaan in la xakameeyo horumarka degdega ah ee kooxaha xagjirka ah, isla markaana ay taageeraan hawlgalada ka dhanka ah argagixisada.

Diyaaradan oo aad uga horumarsan ugana awood badan nooca TB-2 ayaa qeyb ka ah dadaalka lagu xoojinayo awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira kooxaha argagixisada ah.

Saraakiisha Milatariga Soomaaliya oo xaqiijiyay jiritaanka warkaan ayaa diiday in ay cadeeyaan tiradaha diyaaradahaan balse ilo wareedyo kale ayaa laga soo xigtay in ay yihiin laba diyaaradood.

Tallaabadani waxay muujineysaa doorka sii kordhaya ee Turkigu ka qaadanayo sugidda ammaanka Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo war ka soo saartay xiisada ka taagan Muqdisho

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska NISA...

Himilo Qaran oo Xasan Sheekh uga digay weerar ka dhan ah xarumaha mucaaradka

Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee...

Ciidamo cusub oo Tababar loogu soo xiray Galgaduud

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cumar...

Imaaraadka carabta oo lagu eedeeyay duqeyn dishay hal qoys ah oo shacab ah

Warbixin baaritaan ah oo ay daabacday warbaahinta Mareykanka ee...

Mareykanka oo ka digay halista Xuutiyiinta iyo qorshahooda Soomaaliya

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa walaac ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles