Thursday, July 10, 2025

Turkiga oo diyaarado dagaal u soo diraysa Soomaaliya iyo Sababta ka dambeysay

Dowladda Türkiga ayaa qorsheyneysa inay Soomaaliya u soo dirto diyaaradaha Bayraktar Akıncı asbuucaan guddihiisa ka dib codsi ka yimid dowladda federaalka Soomaaliya, sida ay baahiyeen Sida Turkish Century iyo the Wall of Atrica Journal.

Diyaaradaha Akinci, oo ah kuwa aan duuliyaha lahayn, ayaa ka awood badan kuwa TB-2 ee horey u jiray, iyagoo leh awood dagaal oo dheeri ah, hase yeeshee wali kuma guuleysan dowladda ayaan lahayn Ciidan kuwa cirka ah oo shaqeeya, ama khubaro militeri oo aqoon u leh isticmaalka drones-ka.

Diyaaradaha Akinci ayaa la layaa inay gacan ka geystaan in la xakameeyo horumarka degdega ah ee kooxaha xagjirka ah, isla markaana ay taageeraan hawlgalada ka dhanka ah argagixisada.

Diyaaradan oo aad uga horumarsan ugana awood badan nooca TB-2 ayaa qeyb ka ah dadaalka lagu xoojinayo awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira kooxaha argagixisada ah.

Saraakiisha Milatariga Soomaaliya oo xaqiijiyay jiritaanka warkaan ayaa diiday in ay cadeeyaan tiradaha diyaaradahaan balse ilo wareedyo kale ayaa laga soo xigtay in ay yihiin laba diyaaradood.

Tallaabadani waxay muujineysaa doorka sii kordhaya ee Turkigu ka qaadanayo sugidda ammaanka Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 09/07/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Madaxweynaha Hirshabelle oo Xariga Xarumaha Caafimadka iyo Wadooyinka (SCRP)

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe)...

Taliye Asad oo gaadiid dagaal kala wareegay Mareykanka

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,...

RW Xamse”Federaalka looma keenin kala qeybin bulsho iyo faragelin shisheeye

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, oo...

Dowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan  Muuse Salaad Wehliye ayaa madax ka...

Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay xerada Kulliyada Jaalle Siyaad ee Muqdisho

Qaraxaan ismiidaaminta ah oo daqiiqado  ka dhacay xerada ciidamada...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles