Tuesday, August 11, 2026

Uganda oo Ciidamada Afrika isugu Keentay Kampala, Soomaaliya iyo AUSSOM oo laga arrinsanayo

Dowladda Uganda ayaa magaalada Kampala ka furtay shir muhiim ah oo ay isugu yimaadeen madaxda militariga iyo saraakiisha sare ee dalalka ku mideysan Ciidanka Heeganka Bariga Afrika, EASF, iyadoo ajandaha shirka uu si gaar ah diiradda u saarayo isbeddellada ku socda howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee AUSSOM iyo mustaqbalka howlgalada nabad-ilaalinta ee qaaradda.

Shirkan oo ah kulanka 36-aad ee caadiga ah ee hay’adaha siyaasadda EASF ayaa kusoo beegmaya xilli walaac laga qabo hoos u dhaca maalgelinta iyo taageerada caalamiga ah ee howlgalada amniga Afrika, gaar ahaan howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

Shirka ayaa daba socda tababar iyo qiimeyn ciidan oo EASF ay Uganda ku sameysay intii u dhexeysay 6-da iyo 8-da Agoosto, kaas oo lagu tijaabiyay diyaar-garowga ciidamada Uganda ee loo qorsheeyay howlgalada gobolka iyo kuwa qaaradda.

Qiimeynta ayaa ka dhacday xarumaha ciidamada iyo goobaha tababarka ee Singo iyo Jinja, waxaana lagu eegay awoodda ciidamada, booliska iyo shaqaalaha rayidka ah ee loo diyaariyay inay ka mid noqdaan Ciidanka Heeganka Bariga Afrika.

Sida qorshaha EASF dhigayo, ciidamada loo diyaariyay howlgalada waa inay awoodaan inay si guud uga howlgalaan qaaradda muddo aan ka badneyn 90 maalmood, halka xaaladaha degdegga ah ee u baahan jawaab degdeg ah loo qorsheeyay in ciidamada lagu hawlgeliyo muddo gaaban oo gaaraysa 14 maalmood.

Taliyaha Ciidanka Uganda ee Hawlgallada Wadajirka ah, Sareeye Gaas Jack Bakasumba, ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Afrika ay yeelato awood amni oo ay iyadu leedahay, isagoo xusay baahida loo qabo in la sii wado dadaallada amni ee Soomaaliya xilli isbeddel lagu sameynayo howlgalka AUSSOM.

Uganda ayaa muddo dheer kamid ahayd waddamada ugu waaweyn ee ciidamo ku leh howlgalada Midowga Afrika ee Soomaaliya, halka Kenya ay sidoo kale ciidamo iyo awood ciidan oo muhiim ah ku leedahay koonfurta dalka.

Shirka Kampala ayaa sidaas darteed muhiimad gaar ah u leh Soomaaliya, maadaama isbeddel kasta oo ku yimaada taageerada caalamiga ah iyo qaab-dhismeedka howlgalada Afrika uu si toos ah u saameyn karo xaaladda amni ee dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Mas’uuliyiinta EASF ayaa sidoo kale sheegay in ururku doonayo inuu ka gudbo qorsheyn iyo diyaargarow oo keliya, una gudbo awood ciidan oo si dhab ah oo degdeg ah uga jawaabi karta colaadaha iyo xaaladaha amni ee ka dhaca qaaradda.

Shirka Kampala ayaa kusoo beegmaya xilli mustaqbalka AUSSOM uu wajahayo su’aalo la xiriira maalgelinta, saadka iyo awoodda ciidamada Afrika, taasoo ka dhigaysa diyaar-garowga Ciidanka Heeganka Bariga Afrika mid muhiim u noqon kara qorshayaasha amniga gobolka iyo gaar ahaan Soomaaliya.

WARARKII KALE

Janan iyo ciidankiisa oo ku biiray Jubbaland iyo DF oo loogu adkaaday Gobolka Gedo

Taliyihii Nabad sugida ee Gobolka Gedo ugu magacownaa DF...

Puntland oo sheegtay in la soo afjaray wejigii koowaad howlgalkii ka socday Mudug

Ciidanka Difaaca Puntland ayaa si rasmi ah u soo...

Xuutiyiinta ayaa gantaallo ku weeraray magaalada Mukha ee Yeman

Ciidamo taabacsan dowladda Yeman ayaa sheegay in xoogagga Xuutiyiintu...

Wasiir Fiqi oo Isbitaalka Madiina ku Booqday Askarta CXDS ee ku Dhaawacmay Weerarkii Gaalkacyo

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta...

Cumaan oo sheegtay in ay tallaabo ka qaaddayso xakamaynta saliid ku daadatay xeebaha koonfureed

Dowladda Cumaan ayaa Isniintii sheegtay inay waddo dadaallo lagu...

Trump oo sheegay inuu u jawaabi doono Netanyahu

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu dhawaan jawaab...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles