Dowladda Uganda ayaa si rasmi ah u shaacisay inay u dirtay dalka Somalia guutada 47-aad (Battle Group 47), taas oo qeyb ka noqon doonta howlgalka Midowga Afrika ee taageerada iyo xasillinta dalka.
Guutadan ayaa si rasmi ah loogu sagootiyay 28-ka Abriil 2026, munaasabad ka dhacday deegaanka Nakaseke, halkaas oo saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka Uganda ay kula dardaarmeen askarta inay muujiyaan anshax, xirfad sare iyo wadajir inta ay ku guda jiraan waajibaadka howlgalka.
Taliyaha Qaybta Koowaad ee ciidanka Uganda ayaa ku ammaanay askarta dadaalka iyo dulqaadka ay muujiyeen intii ay ku jireen tababarka, isagoo sheegay in ay yihiin ciidamo si buuxda ugu diyaarsan howlgal culus oo u baahan feejignaan iyo xirfad militari.
Saraakiisha milatariga ayaa xusay in guutadan ay soo martay tababaro adag oo socday tan iyo bishii Nofeembar ee sanadkii hore, kuwaas oo isugu jiray jir dhis, xeelado dagaal, maskax-dhis iyo tababaro ku saabsan howlgalada nabad ilaalinta. Waxay sidoo kale sheegeen in heerka diyaar garowga ciidankan uu gaaray 95%, taas oo muujinaysa diyaar-garow buuxa.
Guutada 47-aad ayaa lagu wadaa inay ku biirto ciidamada kale ee Uganda iyo kuwa Midowga Afrika ee horey uga howlgalayay Somalia, kuwaas oo door muhiim ah ka qaata sugidda amniga, la dagaallanka kooxaha hubeysan iyo taageeridda dowlad-dhiska.
Uganda ayaa ka mid ah dalalkii ugu horreeyay ee ciidamo u dira Soomaaliya sanadkii 2007, xilligaas oo uu bilowday howlgalka Midowga Afrika, iyadoo tan iyo markaas ay si joogto ah uga mid ahayd tiirarka ugu waaweyn ee ciidamada nabad ilaalinta.
Dirista guutadan cusub ayaa kusoo beegmaysa xilli ay socdaan dadaallo caalami ah oo lagu xoojinayo amniga Soomaaliya, iyadoo ciidamada Midowga Afrika ay sii wadaan taageerada ay siinayaan dowladda Federaalka si loo gaaro xasillooni waarta.


