Dowladda Uganda ayaa ka hadashay suurtagalnimada inay ku biirto dagaalka Bariga Dhexe, haddii xaaladdu sii xumaato, gaar ahaan haddii laga adkaado Israa’iil.
Taliyaha ciidamada milatariga Uganda, Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiilka Madaxweynaha Yoweri Museveni, ayaa qoraallo uu ku baahiyay bartiisa X (Twitter hore) ku sheegay in dowladda Uganda ay doonayso in dagaalka la joojiyo.
Si kastaba ha ahaatee, wuxuu cadeeyay in haddii laga adkaado Israel, ay Uganda diyaar u tahay inay si toos ah ugu gurmato, taas oo muujineysa mowqif adag oo dhinac u janjeera.
Hadalka Muhoozi ayaa imanaya xilli xiisadaha Bariga Dhexe ay marayaan heer sare, iyadoo dalal badan ay ka muujinayaan walaac ku aaddan suurtagalnimada in dagaalka uu ku fido dalal kale.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Uganda oo si buuxda u caddeynaya mowqifkan, hase yeeshee hadalka taliyaha ayaa durba dhaliyay falcelin siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeed.


