Waxaa maalmihii aan soo dhaafnay ay rabshado iyo shaqaqooyiin ka socdeen magalada Borama ee xarunta gobolka Awdal.
Booliiska iyo dad shacab ah oo dibadbax dhiagayay ayaa isku dhacay, waxaan ka dhashay khasaaro aan wali si rasmi ah loo shaacin inta uu gaarsiisan yahay.
Madaxwaynaha jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland, ayaa balanqaaday in baaritaan lagu sameyn doono wixii ka dhacay Boorame.
Xaaladda magaaladaas ayaa degganayd tan iyo shalay gelinkii dambe kadib mudaaharaadyo rabshado wata oo maalmihii u dambeeyay ka socday halkaas.
Isku dhacyada ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.


