Tuesday, March 3, 2026

Waa sidee xaalada cunto iyo gargaarka bani’aadannimo ee Gaza

Sida qiimeyn ay Qaramada Midoobay taageertay sheegeyso, dhammaan dadka deggan Gaza ayaa wajahaya “khatar weyn” oo ah macluul.

Sida lagu sheegay warbixintii ugu dambeysay ee haqab-beelka cuntada IPC, Israel waxay weli xayireysaa gargaarka bani’aadannimo in uu Gaza gaaro. Ku dhawaad labo milyan iyo boqol kun oo ku nool Gaza ayaa wajahaya cunto yari aad u daran.

Warixinta waxaa lagu sheegay in xaalada “ay aad uga sii dareysay” ilaa Oktoobar sanadkii hore. Waxaa lagu soo gabogabeeyay warbixinta in weli aysan macluul dhicin.

Nidaamka haqab-beelka cunutada ee IPC waxaa sameeyay hay’ada Qaramada Midoobay FOA, ujeedkuna waxa uu ahaa in ay bixiso xog ku saabsan heerka darnaashaha cunto yarida iyo macluusha meelo kala duwan oo caalamka ah.

Madaxda Israel way beeniyeen in dhibaato gaajo ay ka jirto Gaza, waxayna sheegeen in aysan jirin dhibaato heerkaas gaarsiisan marka la fiiriyo xadiga gargaarka ee galay Gaza labadii bilood ee xabadjoojinta.

Macluusha waxay dhacdaa marka cuntada yar ee dal haysto ay aad uga yaraato dadkiisa, dadkana ay wajahaan gaajo daran iyo geeri.

In si rasmi ah loogu dhawaaqo macluul inta badan waxaa sameeya hay’adda Qaramada Midoobay, mararka qaarna waxaa la socda dowaldaha ka walaacsan.

Si loogu dhawaaqo macluusha waxaa la isticmaalaa nidaamka cabirka Qaramada Midoobay ee haqab-beelka cuntada. Heerka ay hadda joogto tan Gaza waa heerka shanaad oo ah waxa ugu xun ee dhici kara.

Ilaa iyo 244,000 ayaa hadda ku jira heerka ugu sareeya ee cunto yarida taas oo ah musiibo. Sida lagu sheegay warbixinta, xabadjoojintii labada bilood aheyd ee u dhexeysay Xamaas iyo Israel waxay aheyd wax kumeelgaar ah balse in dagaalka dib u bilowdo iyadoo Israel ay joojineyso gaergaarka ilaa iyo bishii Maarso ayaa meesha ka saartay dhammaan wixii horumar ah ee la gaaray.

Israel waxay bilowday howlgaladeeda Gaza bartamihii bishii Maarso, waxayna joojineysay cuntada, daawada iyo gargaarka kale in ay galaan Gaza 70-kii maalmood ee la soo dhaafay, waxayna ku doodeysay in ay ku cadaadineyso Xamaas sidii ay ku sii deyn laheyd inta ka hartay la haystayaasha.

Warbixinta waxay sidoo kale saadaalisay ku dhawaad 71,000 oo ah carruur ka yar 5 sano inay nafaqodarro noqonayaan 11-ka bilood ee soo socda.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in xaalada hadda lagu jiro ay ka xun tahay qiimeyntii Oktoobar ee sanadkidi la soo dhaafay.

Sida warbixinta lagu sheegay, 93% dadka ku nool Gaza ama 1.95-ta milyan ay ku nool yihiin xaalad musiibo ah.

Xigasho:-BBC

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadal la yeeshay Amiirka Qatar iyo Boqorka Urdun

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay James Swan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed...

Howlgal ka dhacay G/Sh/Hoose oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidanka Midowga Afrika...

Dagaalka Bariga Dhexe oo sii xoogeystay maalintii 3-aad

Dagaalka u dhexeeya United States, Israel iyo Iran ayaa...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo cambaareeyay go’aankii lagu celiyay xildhibaanno u safrayay

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay go’aankii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles