Monday, September 1, 2025

Waa sidee xaalada cunto iyo gargaarka baniโ€™aadannimo ee Gaza

Sida qiimeyn ay Qaramada Midoobay taageertay sheegeyso, dhammaan dadka deggan Gaza ayaa wajahaya โ€œkhatar weynโ€ oo ah macluul.

Sida lagu sheegay warbixintii ugu dambeysay ee haqab-beelka cuntada IPC, Israel waxay weli xayireysaa gargaarka baniโ€™aadannimo in uu Gaza gaaro. Ku dhawaad labo milyan iyo boqol kun oo ku nool Gaza ayaa wajahaya cunto yari aad u daran.

Warixinta waxaa lagu sheegay in xaalada โ€œay aad uga sii dareysayโ€ ilaa Oktoobar sanadkii hore. Waxaa lagu soo gabogabeeyay warbixinta in weli aysan macluul dhicin.

Nidaamka haqab-beelka cunutada ee IPC waxaa sameeyay hayโ€™ada Qaramada Midoobay FOA, ujeedkuna waxa uu ahaa in ay bixiso xog ku saabsan heerka darnaashaha cunto yarida iyo macluusha meelo kala duwan oo caalamka ah.

Madaxda Israel way beeniyeen in dhibaato gaajo ay ka jirto Gaza, waxayna sheegeen in aysan jirin dhibaato heerkaas gaarsiisan marka la fiiriyo xadiga gargaarka ee galay Gaza labadii bilood ee xabadjoojinta.

Macluusha waxay dhacdaa marka cuntada yar ee dal haysto ay aad uga yaraato dadkiisa, dadkana ay wajahaan gaajo daran iyo geeri.

In si rasmi ah loogu dhawaaqo macluul inta badan waxaa sameeya hayโ€™adda Qaramada Midoobay, mararka qaarna waxaa la socda dowaldaha ka walaacsan.

Si loogu dhawaaqo macluusha waxaa la isticmaalaa nidaamka cabirka Qaramada Midoobay ee haqab-beelka cuntada. Heerka ay hadda joogto tan Gaza waa heerka shanaad oo ah waxa ugu xun ee dhici kara.

Ilaa iyo 244,000 ayaa hadda ku jira heerka ugu sareeya ee cunto yarida taas oo ah musiibo. Sida lagu sheegay warbixinta, xabadjoojintii labada bilood aheyd ee u dhexeysay Xamaas iyo Israel waxay aheyd wax kumeelgaar ah balse in dagaalka dib u bilowdo iyadoo Israel ay joojineyso gaergaarka ilaa iyo bishii Maarso ayaa meesha ka saartay dhammaan wixii horumar ah ee la gaaray.

Israel waxay bilowday howlgaladeeda Gaza bartamihii bishii Maarso, waxayna joojineysay cuntada, daawada iyo gargaarka kale in ay galaan Gaza 70-kii maalmood ee la soo dhaafay, waxayna ku doodeysay in ay ku cadaadineyso Xamaas sidii ay ku sii deyn laheyd inta ka hartay la haystayaasha.

Warbixinta waxay sidoo kale saadaalisay ku dhawaad 71,000 oo ah carruur ka yar 5 sano inay nafaqodarro noqonayaan 11-ka bilood ee soo socda.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in xaalada hadda lagu jiro ay ka xun tahay qiimeyntii Oktoobar ee sanadkidi la soo dhaafay.

Sida warbixinta lagu sheegay, 93% dadka ku nool Gaza ama 1.95-ta milyan ay ku nool yihiin xaalad musiibo ah.

Xigasho:-BBC

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 31/08/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Guddoomiye Muungaab oo 48-saac u qabtay inay ku dhammayso shirkada dhisaysa wadada Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Dil ah ku Riday Ex Dable NISA Maxamed Buulle Muumin

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta...

Madasha Samatabixinta: โ€œDoorashada uu Xasan Sheekh ka wado Banaadir waa sharci darro halis lehโ€

Warsaxaafadeed ka soo baxay madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa waxaa...

DFS oo ku dhawaaqday in la dhameystiray dhismaha DG Waqooyi Bari

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada arrimaha gudaha ee Xukuumadda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles