Sunday, January 25, 2026

Wafdi ka socda DFS oo gaaray Dalka Pakistan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Hon Cali Yuusuf Cali  Xoosh iyo Wafdi sare oo uu hoggaaminaayo ayaa socdaal Shaqo ku gaaray Dalka Pakistan.

Wafdigan ayaa inta ay joogaan dalkaasi waxay la kulmi doonaan madaxda kala duwan ee dalka Pakistan, iyagoo kala hadli doona dhinacyada kala ah iskaashiga Soomaaliya iyo Pakistan ee ku aaddan Dhinacyada Aqoonsiga Qaranka & Diiwaangalinta dadweynaha, arrimaha doorashooyinka,Dimuqraadiyadda iyo dhinacyada gargaarka.

Wafdiga Wasiirka Arrimah Gudaha XFS waxaa caasimadda Islamabad ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka socda Dowladda Pakistan iyo Safiirka Soomaaliya ee Dalka Pakistan Danjire Sheekh nuur Maxamed Xasan.

Wafdiga Wasiirka ayaa waxa qayb ka ah Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka Md Cabdikariin Axmed Xasan, Maareeyaha Hay’adda NIRA Mudane Cabdiwali Timacadde, Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Md Maxamuud Macallin iyo Taliye Xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Cismaan C/laahi Kaniif.

WARARKII KALE

RW Xamsa oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Deni oo kulan la qaatay Taliyeyaasha ciidamada Mareykanka iyo Ingiriiska

Madaxweynaha Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la...

Baarlamaanka Carabta oo markale garab istaag u muujiyay Yemen iyo Soomaaliya

Baarlamaanka Carabta ayaa ku dhawaaqay inuu qaadayo tallaabooyin siyaasadeed...

Somaliland oo aqbashay in deegaanada la keeno Malleeshiyo hubeysan iyo qoyskooda oo la shaqeyn jiray ISRL

Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in Somaliland ay ogolaatay in...

Puntland oo shaacisay tirada Ciidamada DFS ee ku sugan Deegaannadeeda

Puntland ayaa markii ugu horreysay shaacisay tirada ciidamada Dowladda...

Ilhan Cumar oo si adag ugu hadashay dil ay geysteen ICE

Xaaladda Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ayaa ka sii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles