Friday, April 10, 2026

Wafdi ka socda DFS oo Qaahira ugu Qayb galay Shirka Iskaashiga Ruushka iyo Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa magaalada Qaahira ee dalka Masar kaga qayb-galay shirka labaad ee heer Wasiir ee Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika, kaas oo socday intii u dhaxeysay 19–20 December.

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya Ruushka iyo dalalka Afrika, gaar ahaan dhinacyada diblomaasiyadda, ganacsiga, amniga, iyo horumarinta dhaqaalaha. Waxaa sidoo kale lagu falanqeeyay caqabadaha horyaalla qaaradda Afrika iyo doorka Ruushka ee ku aaddan taageerada horumar waara.

Wasiir Cabdisalaan oo khudbad muhiim ah ka jeediyay shirka ayaa adkeeyay in caqabadaha caalamiga ah ee hadda jira aan lagu xallin karin tallaabooyin hal-dhinac ah, balse ay u baahan yihiin iskaashi caalami ah oo ku dhisan is-ixtiraam, masuuliyad wadaag, iyo dhowrista sharciga caalamiga ah.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in nabad waarta oo ka dhalata qaaradda lagu gaari karo oo kaliya marka la isku dubarido dadaallada amniga, horumarinta dhaqaalaha, iyo gargaarka bini’aadantinimada.

Ugu dambeyn, Wasiirku wuxuu xaqiijiyay taageerada Soomaaliya ee iskaashiga Ruushka iyo Afrika, isagoo ku baaqay nidaam caalami ah oo caddaalad ku dhisan, maalgelin la saadaalin karo, iyo fududeynta helitaanka tiknoolajiyada casriga ah si looga guuleysto caqabadaha isbeddelka cimilada iyo carqaladaha dhaqaale.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 09 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo sheegtay in duqeyn ka dhacday Mudug lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay duqeyn ka...

Markabka qodista Shidaalka Turkiga oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebaha magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Xasan Sheekh, Xamsa iyo Qoor Qoor oo ka shiray doorashada Galmudug

Kulan xasaasi ah ayaa ka dhacay Villa Soomaaliya, kaas...

Askari ka tirsan Puntland oo lagu dilay Gaalkacyo

Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug...

Raysal wasaaraha UK oo ka degay Imaaraadka

Raysal Wasaaraha UK, Keir Starmer, ayaa gaaray Imaaraadka Carabta,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles