Sunday, December 21, 2025

Wafdi ka socda DFS oo Qaahira ugu Qayb galay Shirka Iskaashiga Ruushka iyo Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa magaalada Qaahira ee dalka Masar kaga qayb-galay shirka labaad ee heer Wasiir ee Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika, kaas oo socday intii u dhaxeysay 19–20 December.

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya Ruushka iyo dalalka Afrika, gaar ahaan dhinacyada diblomaasiyadda, ganacsiga, amniga, iyo horumarinta dhaqaalaha. Waxaa sidoo kale lagu falanqeeyay caqabadaha horyaalla qaaradda Afrika iyo doorka Ruushka ee ku aaddan taageerada horumar waara.

Wasiir Cabdisalaan oo khudbad muhiim ah ka jeediyay shirka ayaa adkeeyay in caqabadaha caalamiga ah ee hadda jira aan lagu xallin karin tallaabooyin hal-dhinac ah, balse ay u baahan yihiin iskaashi caalami ah oo ku dhisan is-ixtiraam, masuuliyad wadaag, iyo dhowrista sharciga caalamiga ah.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in nabad waarta oo ka dhalata qaaradda lagu gaari karo oo kaliya marka la isku dubarido dadaallada amniga, horumarinta dhaqaalaha, iyo gargaarka bini’aadantinimada.

Ugu dambeyn, Wasiirku wuxuu xaqiijiyay taageerada Soomaaliya ee iskaashiga Ruushka iyo Afrika, isagoo ku baaqay nidaam caalami ah oo caddaalad ku dhisan, maalgelin la saadaalin karo, iyo fududeynta helitaanka tiknoolajiyada casriga ah si looga guuleysto caqabadaha isbeddelka cimilada iyo carqaladaha dhaqaale.

WARARKII KALE

Dowladda Federaalka oo ka fiirsanaysa in ay jawaabto go’aannadii ka soo baxay Shirka Kismaayo

Kadib go’aannadii ka soo baxay Shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed...

Maraykanka oo markabkii labaad ka qabsaday xeebaha Venezuela

Mareykanka ayaa gacanta ku dhigay markab shidaal oo dhawaan...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 12 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Mucaaradka oo ku dhawaaqay dowlad kale inay dhisayaan haddii MW Xasan Sheekh uu wadahadalo furi waayo bil gudaheed

War saxaafadeed ayaa laga soo saaray shirka Golaha mustaqbalka...

DFS oo hakisay waxbarashada sabab la xiriirta doorashooyinka

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Shirka ka socda Kismaayo

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si faahfaahsan uga...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles