Sunday, June 28, 2026

Wafdi Sare oo ka socda Qaramada Midoobay oo Maanta soo gaaray Muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu soo dhoweeyay wafdi sare oo ka socda Qaramada Midoobay, kuwaas oo u yimid dalka ka qeybgalka wadahadallo muhiim ah oo la xiriira xaaladda bani’aadannimo ee Soomaaliya.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Maxamed Cali, ayaa wafdiga ku qaabilay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Muqdisho, isaga oo si rasmi ah u soo dhoweeyay.

Wafdigan waxaa hoggaaminaya Tom Fletcher, oo ah Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha gargaarka bani’aadannimo.

Ujeeddada safarkiisa ayaa ah xoojinta iskaashiga gargaarka, qiimeynta baahiyaha degdegga ah, iyo kor u qaadidda maalgelinta howlaha bani’aadannimo ee dalka.

Soo dhoweynta wafdiga waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo door muhiim ah ka ciyaara isku-dubbaridka gurmadka iyo ka jawaabidda xaaladaha degdegga ah.

Inta uu socdo safarkiisa oo u dhaxeeya 27-ka Abriil ilaa 1-da May, Mr. Fletcher ayaa lagu wadaa inuu booqasho ku tago magaalada Baydhabo, halkaas oo uu si dhow uga qiimeyn doono xaaladaha bani’aadannimo ee ka jira iyo baahiyaha dadka ay saameeyeen dhibaatooyinka kala duwan.

Safarkan ayaa la filayaa inuu horseedo wada-shaqeyn xooggan iyo taageero dheeraad ah oo caalami ah, xilli Soomaaliya ay weli wajahayo caqabado dhinaca gargaarka iyo samatabbixinta ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Xero ay leeyihiin kurdiyiinta Ciraaq oo la duqeeyay

Ilo dhanka ammaanka ah ayaa u sheegay wakaaladda wararka...

Nin Mareykanka ku eedeeyay Musuq-maasuq oo lagu qabtay Muqdisho

Hay’adaha ammaanka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay Cabdikariim...

DFS oo Sheegtay in Duqeymo lagu dilay  Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka...

Booliska Soomaaliya oo Xoojiyay Howlgallada Ka Dhanka ah Faafinta Anshax-xumada

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sare u qaaday howlgallada lagu...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 26 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles