Friday, April 3, 2026

Wararkii u danbeeyay weerarka khasaaraha culus dhaliyay ee Beach View

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar khasaare culus dhaliyay oo xalay kooxda Al-Shabaab ay ku gashay maqaayada Beach View ee ku taala xeebta Liido.

Weerarka oo ku bilowday qarax Ismiidaamin ah ayaa waxaa xigau dabley Shabaab ah oo Shan gaaraya, kuwaasoo gudaha u galay maqaayada, iyagoo saacado badan halkaasi ka dagaalamayay.

Booliska Muqdisho waxey sheegeen iney soo afjareen weerarka oo ay toogteen Shabaabkii gudaha u galay maqaayada, ma aysan soo bandhigin xadiga khasaaraha iyo sida kooxdaasi ay goobta ku gaartay.

Saraakiisha Caafimaadka ee Isbitaalada Miqdisho ayaa ku warranaya in tirada dhimashada ay gaareyso 30 ruux, halka dhaawucina uu 100 kudhow yahay.

Xiliga weerarka, Xeebta Liido ayaa xalay aad Saxmad u eheyd, maadaama ay eheyd habeen Jimco ay sii baxeyso dadkuna waxa ay ahaayeen kuwo waqti ku qaadanayay jawiga Hawada leh ee Xeebta.

Shabaab oo sheegatay masuuliyada weerarka waxey ku faantay iney xubno dowladda ah leysah, balse khasaaraha goobta ayaa gaaray shacab aan waxba galabsan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Baydhabo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...

Dayaarad dagaal oo Maraykanku leeyahay oo ku dhacday gudaha Iiraan

Diyaarad dagaal oo uu leeyahay Mareykanka ayaa ku burburtay...

Mahad Salaad oo la kulmay madaxda hay’adaha CIA iyo FBI

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA),...

Taliya ciidamada xoogga oo sheegay inuu bilaaban doono howlgal culus

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Ibraahim Maxamed Maxamuud oo...

Guddoomiye Shuute oo Fariin adag u diray Ciidamada

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Xasan Cali Nuur Shuute...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles