Wararkii u danbeeyay weerarka khasaaraha culus dhaliyay ee Beach View

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar khasaare culus dhaliyay oo xalay kooxda Al-Shabaab ay ku gashay maqaayada Beach View ee ku taala xeebta Liido.

Weerarka oo ku bilowday qarax Ismiidaamin ah ayaa waxaa xigau dabley Shabaab ah oo Shan gaaraya, kuwaasoo gudaha u galay maqaayada, iyagoo saacado badan halkaasi ka dagaalamayay.

Booliska Muqdisho waxey sheegeen iney soo afjareen weerarka oo ay toogteen Shabaabkii gudaha u galay maqaayada, ma aysan soo bandhigin xadiga khasaaraha iyo sida kooxdaasi ay goobta ku gaartay.

Saraakiisha Caafimaadka ee Isbitaalada Miqdisho ayaa ku warranaya in tirada dhimashada ay gaareyso 30 ruux, halka dhaawucina uu 100 kudhow yahay.

Xiliga weerarka, Xeebta Liido ayaa xalay aad Saxmad u eheyd, maadaama ay eheyd habeen Jimco ay sii baxeyso dadkuna waxa ay ahaayeen kuwo waqti ku qaadanayay jawiga Hawada leh ee Xeebta.

Shabaab oo sheegatay masuuliyada weerarka waxey ku faantay iney xubno dowladda ah leysah, balse khasaaraha goobta ayaa gaaray shacab aan waxba galabsan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 31 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hoggaamiyaha sare ee Iiran Mojtaba Khamenei oo amar bixiyey ka dib kulan dhacay

Bogga rasmiga ah ee hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Jamhuuriyadda...

Q.M oo maanta soo xirtay xafiiskeedii siyaasadeed ee Soomaaliya kaddib 13 sano

Qaramada Midoobay ayaa maanta oo ah 31-ka Oktoobar 2026...

Uganda oo Soomaaliya u soo dirtay ciidamo cusub iyo amar culus oo la dul dhigay

Dowladda Uganda ayaa ciidamo cusub oo ka tirsan Guutada...

DFS oo xabsiga dhigtay saraakiishii hoggaaminaysay dagaalkii Jameeco

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xabsiga dhigtay saraakiil ciidan oo...

Uganda oo ciidamadeeda ka saartay Soomaaliya

Dowladda Uganda ayaa la sheegay inay 72-kii saac ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles