Wararkii ugu dambeeyay shirka ka socda Kismaayo

Shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa galay maalintii saddexaad, iyadoo ay ku mideysan yihiin maamulada Puntland, Jubbaland iyo xubnaha Madasha Mucaaradka, kuwaas oo kulamo kala duwan ku yeelanaya magaalada Kismaayo.

Intii uu shirku socday, waxaa gudaha Kismaayo ka dhacay kulamo gooni-gooni ah oo diiradda lagu saarayay dhameystirka dhismaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, iyo sidoo kale arrimaha la xiriira hannaanka doorashooyinka dalka.

Qodobadaasi ayaa ah kuwo si weyn u taabanaya jihada siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan khilaafka ka taagan habka loo wajahayo doorashooyinka soo socda.

Maanta, dhinacyada shirka ku jira ayaa markale kulan ku leh xarunta madaxtooyada Jubbaland, halkaas oo ay ka doodi doonaan sidii looga hortagi lahaa qorshaha dowladda federaalka ee ku aaddan hirgelinta doorashada qof iyo cod.

Doodahaasi ayaa imaanaya xilli maalmaha soo socda lagu wado in magaalada Muqdisho ay ka dhacaan doorashooyinka golayaasha deegaanka ee degmooyinka gobolka Banaadir.

Waxaa la filayaa in shirka Kismaayo maanta la soo gabagabeeyo, iyadoo lagu wado in warmurtiyeed rasmi ah laga soo saaro, kaas oo lagu caddeyn doono go’aannada iyo mowqifyada ay wada qaateen dhinacyada shirka ku mideysan.

Shirka ka socda magaalada Kismaayo ayaa ah mid si weyn indhaha loogu hayo, waxaana si dhow ula socda shacabka Soomaaliyeed iyo sidoo kale beesha caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya, maadaama la wada sugayo go’aannada ka soo bixi doona shirkaasi.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka hadashay shirka Kismaayo ayaa sheegtay in xubnaha isugu tagay magaaladaasi ay yihiin kuwo ku howlan kala qeybtinta dadka Soomaaliyeed, eedeyntaasi oo sii xoojisay is-mariwaaga siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

IGAD oo maanta Jabuuti ka furaysa shir looga hadlayo nabadda iyo amniga Geeska Afrika

Shir aan caadi ahayn oo ay yeelanayaan Golaha Wasiirrada...

Trump oo Danjirayaal Cusub u Magacaabay Soomaaliya, Jabuuti iyo Sacuudiga 

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa 14-kii Sebtembar 2026 u...

Cirro oo DF ku eedeeyay in ay dadka Kala qeybisay iyo arrimo xasaasi ah uu ka hadlay

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa sheegay in...

Duqeyn culus oo xalay ka dhacday duleedka Baydhabo

Duqeyn culus ayaa xalay ka dhacday deegaanka Ceel-Muud, oo...

Meleeshiyaad hubeysan oo dad rayid ah laayay iyo faahfaahin ka soo baxaysa

Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay weerarro ay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles