Tuesday, January 13, 2026

Wararkii ugu dambeeyay xaalada Gaza iyo Isbedel Ku Yimid Hindisaha Xabadjoojinta

Ururka Xamaas ayaa si rasmi ah u aqbalay hindisihii soo jeedinta madaxweyne Biden ee ahaa xabad joojin iyo  in Israa’iil iyo Xamaas ay is weydaarsadaan  la heystayaal iyo qodobbo kale, arrintaan ayaa u muuqa mid hoos u dhigeysa xaaladda Gaza.

Mas’uuliyiinta Ururka Xamaas ayaa Reueters u sheegay, in Xamaas ay ka laabatay dalabkeedi hore ee ahaa, in marka hore Israa’iil aqbasho ka bixintaannka dhulka Gaza, kaas oo keenay in Israel dhankooda ay ka biyo diidaan dalabka Xamaas.

Dhan kalena Ugu yaraan 16 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay weerar cirka ah oo ay ciidamada Isra’il Sabtidi ku bartilmaameedsadeen dhisme iskuul oo ay ku noolyihiin qoysas barakac ah bartamaha Gaza.

Saraakiisha caafimaadka Falastiin ayaa sheegay in madaafiicda cirka ee lagu garaacay iskuulka Al Nuseyrat ay sidoo kale ku dhaawacmeen in ka badan 50 ruux oo Falastiiniyiin ah. Isra’il ayaa weerarka ku sheegtay mid ay ku bartilmaameedsatay malleeshiyaadka.

Milatariga Isra’il waxay sheegeen in ay taxaddir dheeraad ah muujiyeen ka hor inta aysan weerarka fulinin, si bay yiraahdeen ay u yareeyaan khasaaraha rayidka, isla markaana u duqeeyaan malleeshiyo ay ku sheegeen in ay aaggaasi kasoo weerareyeen. Hase yeeshee Xamaas ayaa beenisay in dagaalyahannadeedu aysan halkaasi joogin.

WARARKII KALE

Magaalada Muqdisho oo lagu soo bandhigay waxsoo saarka iyo halabuurka ganacsiga haweenka

Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay bandhig ganacsi kaas oo...

Dhalinyaro abuuratay fursado ganacsi oo shaqaaleysiiyay dhaliyaro kale

Dhalinyarada Soomaaliyeed waxay wajahaan shaqo la’aan baahsan, balse waxaa...

Xarun lagu kobciyo Xirfadaha haweenka oo laga furay Muqdisho

Goob lagu kobciyo xirfadaha haweenka Soomaaliyeed iyo barashada Buraan...

Somali Dog Caregiver Faces Fear and Rejection: What You Need to Know

While Aadan Abdullahi Ali devotes himself wholeheartedly to the...

Digital Abuse of Somali Women: Why This Growing Harm Matters

Sometimes people think it’s normal to write a mean...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles