Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmey taliyaha hawlgalada gaarka ah ee Barriga Afrika

Madaxweynaha Jubbaland  Axmed Madoobe ayaa Kismaayo ku qaabilay taliyaha  dowladda Maraaykanka u qaabilsan hawlgallada gaarka ah ee bariga Afrika, Kornayl David Haskell, kaas oo booqasho ku tagay Kismaayo.

Kulanka dhexmaray labada masuuul ayaa lagaga hadlay howlgallada ay wadaan Ciidamada Jubbaland iyo tageerada dhinaca amniga ee Maraykanka ee la xiriira dagaalka ka dhanka  ah Alshabaab.

“Waxaan ka wada hadalnay dadaaladii ugu dambeeyay ee soo cusboonaaday ee ugu dambeeyay ee lagu guuleystay xoreynta degaano cusub oo ay sameeyeen ciidamada xoogga dalka ee Jubaland, waxaana ku boorrinay dowladda Mareykanka inay gacan ka siiso shacabka Soomaaliyeed sidii loo ciribtiri lahaa Khawaarijta,” ayuu madaxweyne Axmd Madoobe ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa X.

Madaxtooyada Jubbaland ayaa sheegtay in Kornayl David Haskell uu bogaadiyay howlgallada lagu xoreeyay deegaanka buuloxaaji iyo deegaanada ku xeeran isagoo xusay in guulaha laga gaaray howlgalladii u danbeeyay ay muujinayaan sida Jubbaland ay uga go’antahay xoreeynta deegaanada wali ay ku harsan yihiin Khawaariijta.Taliyaha Hay’ada Sirdoonka Jubbaland Maxamed Axmed Sabriye iyo Taliyaha Ciidamada Darawiishta Jeneraal Ismaciil Saxardiid ayaa kulan qeyb ka ahaa.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles