Sunday, March 1, 2026

Wasiirka Amniga oo kulan la qaatay Cabdullaahi Bin Salem

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa la kulmay Danjiraha Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Mudane Dr Cabdullahi Bin Salem Al Nuaimi.

Labada masuul ayaa isla soo qaaday arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin xiriirka labada dal, xoojinta taageerada ay siiyaan hey’adaha amniga dalka.

Wasiirka Amniga oo uga mahadceliyey taageeradooda, ayaa sheegay in dowladda Qatar ay tahay saaxiib dhow oo Soomaaliya ka taageerada dhinacyo kala duwan oo horumarinta dalka ah, iyada oo ay muhiim tahay in Wasaaraddu ay si dhow ugala shaqeyso sidii ay usii xoojin lahaayeen taageeradooda ku aaddan hey’adaha amniga ee hoostaga Wasaaradda.

Dowladda Qatar ayaa kamid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya , waxa ayna dowladda ka taageeraan dhinacyo badan sida amniga iyo fulinta mashaariicda horumarineed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iiraan oo farriin u dirtay dalalka Gacanka

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Araghchi ayaa sheegay...

Isra’iil oo weerar cusub ku qaaday Iran

Isra’iil ayaa bilowday waxa ay ugu yeertay “weerar ka...

Uganda oo shaacisay inay ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya

Taliska ugu sarreeya ciidamada milatariga dalka Uganda ayaa go’aan...

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koofur Afrika

Alle ha u naxariistee, muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi...

Taalibaan oo diyaar u ah wadahadal si loo soo afjaro dagaalka kala dhaxeeya Pakistan

Maamulka Taalibaan ee Afghanistan ayaa sheegay inay diyaar u...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles