Thursday, January 8, 2026

Wasiirka arrimaha dibada Shiinaha oo ku soo wajahan Muqidsho

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Shiinaha, Wang Yi, ayaa bilaabay booqasho rasmi ah oo uu ku marayo dalal ka tirsan qaaradda Afrika, taas oo socon doonta laga bilaabo 7-da ilaa 12-ka Janaayo.

Dalalka uu booqan doono ayaa kala ah Soomaaliya, Itoobiya, Tanzania iyo Lesotho, sida uu Arbacadii ku dhawaaqay afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha ayaa sheegtay in Afrika ay tahay halka ay wasiirrada arrimaha dibadda ee Shiinaha u safraan bilowga sannadka cusub muddo 36 sano oo xiriir ah, arrintaas oo muujinaysa muhiimadda ay Beijing siinayso xiriirka Afrika.

Wang Yi, oo sidoo kale xubin ka ah Xafiiska Siyaasadda ee Guddiga Dhexe ee Xisbiga Shuuciga ee Shiinaha, ayaa ka qeyb geli doona xafladda furitaanka Sannadka Xiriirka Shiinaha iyo Afrika, taas oo ka dhici doonta xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa.

Booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha uu ku tagayo Soomaaliya ayaa ah tii ugu horreysay ee wasiir arrimo dibadeed oo Shiinaha ah uu ku yimaado Muqdisho tan iyo sanadihii 1980-meeyadii.

Safarkan ayaa la filayaa inuu Soomaaliya siiyo taageero diblomaasiyadeed, kaddib markii Israa’iil ay bishii hore noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada maamulka Somaliland.

Shiinaha ayaa mar kale caddeeyay taageerada uu u hayo midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, isagoo doonaya inuu xoojiyo saameyntiisa istaraatiijiyadeed ee ku teedsan Gacanka Cadmeed, marin muhiim u ah ganacsiga Shiinaha ee mara Badda Cas iyo Kanaalka Suweys kuna wajahan suuqyada Yurub.

Dhinaca kale, booqashada Wang Yi ee Tanzania ayaa salka ku haysa dadaalka Shiinaha ee ah inuu helo marin uu ku gaaro khayraadka macdanta, gaar ahaan naxaasta Afrika.

Shirkado Shiineys ah ayaa dib u dayactir ku wada tareenka TAZARA oo mara Tanzania kuna xirma Zambia.

Wasiirka ayaa sidoo kale booqan doona boqortooyada Lesotho, halkaas oo Shiinuhu doonayo inuu ku muujiyo doorkiisa ku aaddan taageerada ganacsiga xorta ah.

Sanadkii hore, Shiinaha ayaa dalalka ugu saboolsan dunida u furay suuqgiisa oo gaaraya $19 trillion iyada oo aan canshuur lagu soo rogin, taas oo uu ballanqaaday Madaxweyne Xi Jinping shirkii Shiinaha iyo Afrika ee 2024 ka dhacay Beijing.

Lesotho ayaa ka mid ah dalalkii ugu saameynta badnaa canshuurihii adkaa ee uu Maraykanku saaray sannadkii hore, kuwaas oo gaaray ilaa 50% badeecadaha ay u dhoofiso Mareykanka.

Socdaalka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha uu ku imaanayo magaalada Muqdisho ayaa ku soo aadaya xilli xasaasi ah, iyadoo shalay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil uu booqasho ku tagay magaalada Hargeysa, arrintaas oo sii xoojisay xiisadda diblomaasiyadeed ee ka dhalatay aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 08 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Masar iyo Xoghayaha guud ee QM oo qadka Telefonka kaga wada hadlay faragelinta Israa’iil kula kacday Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Dr. Badr Cabdulcaati iyo Xoghayaha...

Taliyaha ciidanka Booliiska oo shirguddoomiyey shirka taliyeyaasha Booliiska

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto, Asad Cismaan Cabdullahi...

DFS oo Ka jawaabtay eedeynta Mareykanka ee ku saabsan Boobka Bakhaarka WFP

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka war heshay bayaan kasoo...

Cusmaan Dubbe oo dib ugu laabtay Hargeysa

Wasiir iyo Xildhibaan hore, Cusmaan Dube, oo kasoo jeeda...

DFS oo diyaarisay ciidamo loogu tala galay inay Al-shabaab ka saaraan Hiiraan

Taliyaha Ciidanka Dhulka, Saraakiisha Qeybta 27’aad, iyo Saraakiisha Qeybta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles