Thursday, June 25, 2026

Banaanbax looga soo horjeedo Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

Banaanbaxan ayaa waxa ka qayb gelaya qaybaha kala duwan ee bulshadda,maamulka gobolka Banaadir,bulshada rayidka iyo madax kala duwan iyadoo halkaas shacabka iyo madaxduba ku soo bandhigayaan siday uga soo horjeedaan xadgudubka Israa’iil sidoo kalena diyaar ugu yihiin difaaca midnimada Soomaaliya iyo ilaalinteeda.

Culimada waaweyn ee dalka oo dadweynaha la hadlay ayaa si weyn carabka ugu adkeeyey siday waajibka u tahay difaaca midnimada dalka ugu horayn Sheekh Cali Wajiis oo goobta ka hadlay ayaa yiri”Culimada Soomaaliyeed saaka waxay iskugu soo baxeen in ay dadka ka wacyi geliyaan dhagarta Israa’iil ay la damacsan tahay kala goynta .”

Sidoo kale Sheekh Yuusuf Cali Ceynte oo goobta kula hadlay dadweynihii isu soo baxay ayaa yiri “Maanta oo kale, madax, culimo iyo shacab waxaa la gudboon in aysan u kala harin ka hortagga burburka ay nala damacsan tahay Israa’iil.”

Sheekh Cabdullaahi Axmed ayaa isaguna si adag u sheegay in Dadka Soomaaliyeed ma aqbali doonin in Israa’iil ku soo xadgudubto midnimada dalkeenna.

Guddoomiyaha Ku-xigeenka midowga golayaasha Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa isaguna yiri “Haddaan nahay Islaam, walaalo ma nihin Yuhuuda, mana yeeli doono in nagula soo xadgudbo.”

Guddoomiyaha midowga golayaasha Culimada Soomaaliyeed Sheekh Suufo Yare oo la hadlay dadweynihii isu soo baxay ayaa yiri “Culimada Soomaaliyeed maanta waxay sameynayaan bannaanbax isugu jira socod dheer iyo isu-imaatin culimo, si aan u muujinno mowqifka culimada ee ah ilaalinta midnimada ummadda.”

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Mareykanka oo shaaciyay inuu ku guuleystay tijaabadda gantaalka casriga ah ee Golden Dome

Maraykanku wuxuu markii ugu horreysay tijaabiyay nidaamka difaaca gantaallada...

Puntland oo Mamnuucday Hubka iyo Ciidamada Aan Ka tirsaneyn Nidaamka Maamulka

Maamulka Puntland ayaa ka digay waxa uu ku tilmaamay...

RW Xamsa oo gaaray Dhuusamareeb

Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb...

DFS oo waddo qorshaha doorashooyinka Galmudug iyo Xamse oo ku Wajahan Dhuusamareeb

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay dardar gelinayso...

Bariga Liibiya oo Xayiraad Kusoo Rogay Muwaadiniinta Soomaaliya iyo Saddex Dal oo Kale

Dowladda Bariga Liibiya ayaa ku dhawaaqday inay mamnuucday gelitaanka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles