Wednesday, March 4, 2026

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti oo soo gaaray Muqdisho

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Jabuuti, Amb. Cabdiqaadir Xuseen Cumar, ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wafdiga ayaa lagu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee caasimadda, halkaas oo ay ku qaabileen Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Cali Dheere, Safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Yuusuf, iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay si diirran ugu soo dhaweynayso wafdiga Jabuuti, isaga oo xusay in labada dal ay yeelan doonaan kulamo muhiim ah inta uu wafdigu ku suganyahay Muqdisho.

“Dowladda Soomaaliya gacmo furan ayay kugu soo dhaweynaysaa, kuna soo dhawoow dalkaaga. Labada maalmood ee aad nala joogto waxaan yeelan doonaa kulamo badan oo muhiim ah,” ayuu yiri Wasiirka.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti, Amb. Cabdiqaadir Xuseen Cumar, ayaa ka cudurdaartay dib u dhaca ku yimid safarkiisa, isaga oo xusay in Soomaaliya uu u arko dalkiisa hooyo, ayna muhiim u tahay xiriirka qotada dheer ee labada dal walaalaha ah.

WARARKII KALE

Baarlamaanka Soomaaliya oo meelmariyey wax-ka-beddelka Dastuurka

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u meelmariyey...

Puntland oo DFS ku eedeysay weerar iyo afduub ay u geysteen xildhibaanada

Puntland ayaa sheegtay in dowladda Federaalka Soomaaliya weerar ku...

Wasiiro ka tirsan DFS oo iscasilay, maxay tahay sababta?

Wasiiru-dowlihii shaqada & arrimaha bulshada xildhibaan Caynaanshe Yuusuf Xuseen...

Booliska Soomaaliya oo xabsiga dhigay lataliyaha arrimaha bulshada ee Deni

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay inay xabsiga dhigeen...

Sacudi Carabiya oo qabatay laba gantaal oo nooca cruise-ka ah

Wasaaradda Gaashaandhigga Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay inay qabatay laba...

RW Ku-xigeenka XFS oo Kulan Miro-Dhal ah Layeeshay Duqda Muqdisho

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles