Wasiirka deegaanka oo khudbad ka jeediyey madasha sare ee dalalka Hay’adda cimilada QM (UNFCCC COP30)

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sareeye Guud Mudane Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa maanta khudbad dhamaystiran ka jeediyay madasha heerka sare ee dalalka Hay’adda Cimilada QM (UNFCCC COP30), oo ka dhacaysa magaalada Belém, dalka Brazil.

Wasiirka ayaa ku adkeeyay go’aanka Soomaaliya ee ku aaddan dardargelinta ficilka cimilada, horumarinta qorshayaal cad oo lagu yareynayo saameynta isbeddelka cimilada, iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah.

Mudane Bashiir ayaa uga mahadceliyay Dowladda Brazil iyo Xoghayaha Fulinta UNFCCC martigelinta shirkan muhiimka ah, isagoo xusay in Soomaaliya ay tallaabooyin muuqda ka qaaday hirgelinta NDC 3.0, oo si buuxda ula jaanqaadaysa Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) iyo Qorshaha Qaran ee La-qabsiga Cimilada (NAP). Sidoo kale, Soomaaliya waxay si rasmi ah u daahfurtay NAP, Qorshaha Maalgashiga NDC 3.0, iyo LT-LEDS, kuwaas oo qeexaya mustaqbal adkaysi leh, kaarboon-yar, iyo horumar waara.

Wasiirku wuxuu sidoo kale ka hadlay khasaaraha iyo waxyeellada, isagoo hoosta ka xarriiqay sida Soomaaliya uga go’antahay la tacaalidda saameynta tooska ah ee cimilada, taas oo khatar ku ah nolosha, dhaqaalaha, iyo deegaanka.

Wasiirka ayaa Khudbadiisa diiradda ku saaray saddex farriimood oo muhiim ah:
1. Baahida loo qabo sinnaanta iyo cadaaladda cimilada
2. Xoojinta taageerada ku wajahan la-qabsiga
3. In ballan-qaadyada heer caalami loo beddelo ficil muuqda oo wax ka beddela nolosha dadka

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada waxay sii wadi doontaa iskaashiga dhow, hufnaan, iyo hoggaan lagu xaqiijinayo ficil cimiladeed oo wax ka taraya badbaadada dadka iyo ilaalinta mustaqbalka dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Liiska ururada ka qeybgalaya doorashada Galmudug oo la soo saaray

Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo saaray liiska ururada siyaasadeed...

JSP oo ku dhawaaqay in Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen uu yahay Musharraxa Hoggaamiyaha Hirshabeelle

Kulanka Guddiga Fulinta ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP)...

Taliyaha Milatariga oo la kulamy taliyaha ciidanka gaar ah ee Africom

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

Golaha Shacabka oo Joojiyay Lacagtii $100-ka ahayd ee Xildhibaannada laga Jari Jiray

Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa go’aan ku...

Sacudi Carabiya ayaa joojisay dhuumaha shidaalka ee Badda Cas

Weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone) lagu qaaday dhuumaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles