Wasiirka deegaanka oo khudbad ka jeediyey madasha sare ee dalalka Hay’adda cimilada QM (UNFCCC COP30)

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sareeye Guud Mudane Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa maanta khudbad dhamaystiran ka jeediyay madasha heerka sare ee dalalka Hay’adda Cimilada QM (UNFCCC COP30), oo ka dhacaysa magaalada Belém, dalka Brazil.

Wasiirka ayaa ku adkeeyay go’aanka Soomaaliya ee ku aaddan dardargelinta ficilka cimilada, horumarinta qorshayaal cad oo lagu yareynayo saameynta isbeddelka cimilada, iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah.

Mudane Bashiir ayaa uga mahadceliyay Dowladda Brazil iyo Xoghayaha Fulinta UNFCCC martigelinta shirkan muhiimka ah, isagoo xusay in Soomaaliya ay tallaabooyin muuqda ka qaaday hirgelinta NDC 3.0, oo si buuxda ula jaanqaadaysa Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) iyo Qorshaha Qaran ee La-qabsiga Cimilada (NAP). Sidoo kale, Soomaaliya waxay si rasmi ah u daahfurtay NAP, Qorshaha Maalgashiga NDC 3.0, iyo LT-LEDS, kuwaas oo qeexaya mustaqbal adkaysi leh, kaarboon-yar, iyo horumar waara.

Wasiirku wuxuu sidoo kale ka hadlay khasaaraha iyo waxyeellada, isagoo hoosta ka xarriiqay sida Soomaaliya uga go’antahay la tacaalidda saameynta tooska ah ee cimilada, taas oo khatar ku ah nolosha, dhaqaalaha, iyo deegaanka.

Wasiirka ayaa Khudbadiisa diiradda ku saaray saddex farriimood oo muhiim ah:
1. Baahida loo qabo sinnaanta iyo cadaaladda cimilada
2. Xoojinta taageerada ku wajahan la-qabsiga
3. In ballan-qaadyada heer caalami loo beddelo ficil muuqda oo wax ka beddela nolosha dadka

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada waxay sii wadi doontaa iskaashiga dhow, hufnaan, iyo hoggaan lagu xaqiijinayo ficil cimiladeed oo wax ka taraya badbaadada dadka iyo ilaalinta mustaqbalka dalka.

WARARKII KALE

Golaha Mustaqbalka oo qaadaya tallaabo ka dhan ah Xasan Sheekh

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) ayaa ku dhawaaqay inay qaadayaan...

TPLF oo diiday in weerarrada xarumaha milatari lagu tilmaamo falal argagixisanimo

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa sheegtay inaysan aqbalayn...

Trump oo oggolaaday kulan saddex geesood ah oo uu la yeesho Putin iyo madaxweynaha Shiinaha

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu oggol yahay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

 Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo hogaamiye ku xigeenka Hirshabelle oo la shaaciyay

Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo...

Maxkamadda Sare ee dalka oo ansixisay natiijada doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday deegaannada maamulka Hirshabeelle

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa ansixisay natiijada doorashadii isku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles